Sheekh.Umal oo Khudbadii Jimce uga hadlay dilkii Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax.[Dhagayso]

February 22, 2013 - Written by

Sheekh-UmalNairobi:-Waxaa maanta Khudbadii Jimce ee Masjidka Abu Bakar Sadiiq ee magaalada Nairobi uu Sheekh Maxamed Cabdi umal uga hadlay dilkii foosha xumaa ee  lagula kacay Sheekh. Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee. Sheekh. Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa  uu sheegay in fidnada ka socota dalka Soomaaliya ay gaartay in Culimada lagu dhex dilo Masaajida iyagoo ku dhex jira  waajibkii Alle saaray , Sheekh ayaa ka sheekeeyey in  bulshada Soomaaliyeed ay u soo joogeen fidnooyin badan oo ay ka mid tahay in la isla laayo, la is dhaco ,ilaa hadda ay soo gaartay in dadkii umada kheyr gaarsiinayey oo xan baarsanaa diinta Islaamka la laayo oo weliba la soo saaro Fatwo oranaysa meel walba ha lagu dilo xitaa haddii ay galaan Xaramka  cajiib.

Sheekh. Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in dal gaalo looga saari karin ama Qaran Soomaaliyeed aan lagu dhisi Karin in culimada layntooda,Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in raga ku faraxsan dilka Sheekh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ama soo saaray Fatwada lagu dilayo culimadu ay yihiin kuwa khasaaray Aduun iyo Aakhiro.

Sheekh. Maxamed Cabdi Umal ayaa xusay in ay isku danbi yihiin kan dilay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax,kuwa soo abaabulay, kan Fatwooday, kuwa beenta ka sheegay dhiiga Sheekha isagoo sheekhu uu sheegay in taariikhda aysan soo marin  kuwo sheeganay Mujaahidiin haddan Masaajida looga nabad geli waayey oo culimadii ku dhex dilaya.

Hoos ka dhagayso Khudbadii Jimcihii maanata uu Sh Umal uga hadlay dilkii Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax
[audio:http://halgan.net/Mp3/khubadiimaanta1.mp3] Ama Halkan Mp3


 BileOsman.
Nairobi, Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online