Sheekh Shible oo sheegay in Sheekh C/qaadir ay dileen Alshabaab iyo Xasaan (Dhageyso)

February 18, 2013 - Written by

shibleJigjiga:-Sheekh Maxamuud Shible oo ka mid culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilkii Foosha xumaa ee loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxaana uu Sheekh Maxamuud Shible Sheegay in dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ay fuliyeen 3qolo oo kala ah gacanku dhiiglaha dilay Sheekha ,Al-Shabaab, iyo Sh Xasaan Xusen oo fatwooday in la laayo culumada oo ay gaalo yihiin.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa sheegay in ay naf iyo maalba ku bixin doonaan difaaca culumada wuxuuna sheegay in aysan marna ka weecan doonin cadeynta xaqa iyo dariiqii lagu dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah.

Hoos Ka Dhageyso kalimada Sheekh Maxamuud Shible uu ka yiri dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah.
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/d3oui26q74/sh_shibil_dilka_sheekha.mp3 ]

15 Comments so far

Leave a comment

  1. Jazzakalaah

  2. a/c ilahay hajunaxaristo sheikha kitabkiisana midigta alaah kasiiyo wixii culimada iyo dinta alaah dhib kuhayana ilahay kaqabto isagaa awodle

  3. asc wiil puntılanow waxaa tırı waxaa lagarabay culumadu ın ay ıftıımıyaan marhore lakın culumadu malınkıı ay bılaameen ıllaayo manta waa wax ay kahadlayeen waxaa loo laynayo soo aamusa ma aha ıllahay ha kasoo qabto umada wixii dhagar iyo balaayo lagecel sh shible illahy ha kuxıfdiyo adiga iyo culumada soomaliyeed inta noohartay illahay waxan idiinkarajayneynaa in uu allah idiin barakeyo cimrigiina iyo camalkiinaba diinta aan difaacaysan ama xaqqa aad umada usheegaysana in uu adin ka ajarsiiyo aamiin

  4. xaasaan iyo xasan takar ayaa masuul ka ah culumadda la dilayo ayagaa shayaadiinta ay shiikha uyihiin u iftooday dhiiga culumadda allaha lacnado oo cadaabka kufogeeyo kuwa dhiiga muslimka banaynaya iyo kuwa banaysanaya insha allaah bacda shiikh a.qaadir waa dhamaanayaan kuligood jahanama allaha kujamciyo

  5. Allaah ha unaxariisto sheekh cabdulqaadir
    kolley wuxuu ku dhintay jid wanaagsan, naftuna la isma siin, maalintuu dhintay iyo saacaduu dhintay iyo siduu ahaa markuu dhintay.
    qof kasta allaah ha waydiisto sidii sheekha lugu dilay ookale

    cawaale allaah ha idin xifdiyo idinkana
    xaqa sidaas umadda ugu caddeeya

  6. ninkii naftaada iyo maalkaaga wax yeela u geysta waa loo sabri karaa ama suuro gal in loo sabro lakiin ninka diintaada wax yeelo u geysta marnaba in loo sabro ma aha ,nimanka sheikha dilay waxay lamid yihiin ninman diintii toogtay sababta oo ah sheikh c/qaadir wuxuu xambaarsanaa diinta islaamka dadkana bari jiray ,ku maankun qof oo somali ah ayuu kheyr iyo diinta islaamka baray ama hada uu barayey sidaas daraadeed dadka soomaaliyeed meel hawga soowada jeedsadeen gacan ku dhiigyaalka

  7. asc
    sh. c/qaadir alla hau naxariisto samir iyo iimana hanaga siiyo cid kaalintiisa buuxisana hanagu arzaaqo.
    sh.shibli adna alle ha kuxifdiyo hana kaa ilaa-liyo dhagarta mujrimiinta
    alshabaabna waxaan leenahay diintu uma joogsanayso culimo lalaayo ee way soconaysaa intaa muslim jiro فالكلاب تنبح والقافلة تسير

  8. Culumadu waa iftaanka umada kuwa dilay Sheekh Cabdiqadir Nuur Faarah iyo saxiibkiisii ka horeeyay waxay u dileen in ay damiyaan iftaanka si ay u gaaraan himilooyiin daciif ah oo aduunyo ku salaysan iyo xukun.Naf malageed galay cid badbaadin kartaa ma jirto ee waxaa muhiim ah in laga hortago kooxdan yar ee hadda daciiftay ayna ka soo baxdey uqubaddii ay ku galaan Koonfur gaar ahaan Muqdisho iyagoo ku layaay ardey iyo dhakhaatiir kuna faani jiray dilka muslimka. Dhagarqabayaashaas mar hore ayaa laga rabey culumadda in ay noo iftiimayaan khatartooda laakiin waxaad moodaa in maanta biyihii u soo galey culumaddii waana meeshii u dambeysay uguna muhiimsanayd in la difaaco haloo istaago la dagaalanka fidnowadayaasha af iyo adinba.

  9. codka sheikh shibile masoobaxayo ee hagajiya fadlan

  10. xaalku meel xun buumarayaa
    waa in meelkasta oo nimankaas lagu arko lagu laayaa
    waain latirakoobaa dadka oo qoyswalba cidii kamaqan lasheegaa baaqna loo diraa inay toobad keenaa kuna soo noqdaan guryahooda
    kuwaasi waa dhalinta yar ee lakhalday , balse kuwa waaweyn ee wiilasha khalday waa in lalayo oo weliba si xun loo dilo waa argagixiso caalami ah

  11. Mamulka fadlan ka dhiga kelmada sheekh MP3,, jazakumullah.

  12. أفصح الله لسانك وبارك في جهدك الشيخ الفاضل محمود شبلي
    GEESI xaqa ku taagan ayaad tahay oo alle mahane cid kale aan ka baqeynin marka allaha ku barakeeyo xaqa hakugu sugo cadowgana hakaa ilaalsho

    allaha u naxariisto sheekha sheekhyadeena sheekh al calaama cabdulqaadir nuur faarax janao firdawso allaha maqaamkiisa haka yeelo. allah ka abaal mariyo ducwadii iyo cilmigii uu baray umada somlaiyeed

    kuwa dilay ee xasaan xuseen u horeeeyo iyo ina godne allah kor ahaaye waxaan ka baryin inuu dhagaha. indhaha. afka iyo adin kasta tiro oo sidaas cimri dheer loogu siyaadsho si ay cibro ugu noqdaan kuwa jooga, kuwa soo socda iyo dadka oo idil

  13. asc ilaah haku xafido sh.shibile,waxaan se ku dari lahaa ficil halagu daro
    DIFAACA DIINTA.

  14. geesi alle ma xilo. kartida iyo ragga nimada waa loo dhashaa cilmigase waa la bartaa .

    sh.shibli ilaahay ha ku xifdiyo kolay dhagarqabayaashu kuway maagan yihiin baad ka mid tahaye

  15. taasi muranmalaha umaddii ilaahay waxkasta way u kala cadaatay!!

Leave a comment

*