Wafdigii culumada oo booqday Riig-oomane iyo Qansaxle

February 9, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Wafdiga culumada oo socdaalkiisii dacwadeed sii wata ayaa gaaray magaalada Riig-oomane, waxaana ku soo dhaweeyey Caaqil C/wahaab Maxamuud Gurey oo ka mida Isimada gobolka Mudug, kaalin weyna kaga jira horumarinta deegaanka, xallinta mashaakilka bulshada iyo arrimaha dacwadaba, ka dibna waxay yeesheen kulan gaaban oo ay isku dhaafsadeen warbixino muhiim ah, ayna kaga wada xaajaysteen arrimaha waxbarashada iyo dacwada deegaanada Mudug.

Caaqilka ayaa aad u soo dhaweeyey barnaamijyada dacwada iyo tacliinta lagu dardargalinayo, wuxuuna ballanqaaday inuu kaalin libaax ka qaadan doono arrimahaas gaar ahaana uu isu xilsaari doono sidii magaalada Riig-oomane loo keeni lahaa Sheekh wax ka dhiga dugsiga dhexe ee magaalada, galinka dambena ardayda iyo magaaladaba ka haqabtira culuumta shareecada iyo luqada carabiga. Dhinaca kale wuxuu culumada ugu bishaareeyey inay reer Riig-oomane u sahlantahay inay wax ka bartaan mac-hadka laga furayo Bursaalax.

Kulanka dhexmaray wafdiga iyo Caaqilka waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mida odayaasha magaalada.

Booqashadii Qansaxle

                Wafdiga ayaa isaga oo socdaalkiisa sii wata wuxuu kulan ballaaran kula yeeshay magaalada Qansaxle odayaasha iyo waxgaradka magaalada, wuxuuna usoo jeediyey inay si wadajira u gutaan xilka ka saaran diintooda iyo dadkooda, ayna xoogsaaraan barashada iyo faafinta diinta, qof walbana uu ku aado kaalinta ku habboon. Si gaara waxay culumadu odayaasha ugu boorriyeen dhaqancelinta dhalinyarada farabaxday; waayo in waxyar oo maal ah loo huro ayay ku badbaadayaan, ummadduna uga badbaadaysaa sharkooda, isla markaana ay ku noqonayaan dad waxtara naftooda, ehelkooda iyo ummaddoodaba. Haddii aan dhaqancelintooda wax yar loo hurina waxaa wax weyn loo huri doonaa magdhawga waxa ay bi’iyaan.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Sh. Maxamuud Sh. Axmed, Bashiir Maxamuud Takar, Cali daqle iyo waxgarad kale waxaa si wadajira loo soo dhaweeyey soojeedintii culumada, waxaana odayaashu ballanqaadeen inay intii karaankood ah ku dadaali doonaan hirgalinta diinta iyo wacyigalinta bulshada. Intaa ka dib Sheekh Xabiib ayaa kalimad wacdi iyo wacyigalin ah ka jeediyey masjidka, ka dibna wafdigu wuxuu sii watay socdaalkiisii isaga oo u ambabaxay dhinaca Galdogob oo ahayd magaalada ugu dambeysa oo wafdigu tagey. Magaalada Qansaxle oo dad badan deegaan u ah waxaa ku yaal hal dugsi Qur’aan iyo dugsi hoose oo ku jira guri kiro ah, taas oo muujinaysa inay magaaladu u baahantahay isxilqaan iyo gurmad weyn oo loo fidiyo gaar ahaan dadka waxbartay oo ka soo jeeda magaaladaas.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online