Xaflad Qalin Jebin Ardayda Dugsiga Quraanka ee Markazka Dar-ul-Hijra -Toronto(Daawo)

February 14, 2013 - Written by

DSC_0077Toronto:-Waxaa maalinki Axadda ee Febraayo 10-keeda,2013 lagu qabtay xarunta weyn ee Markazka Dar-ul-Hijra –Toronto, Canada xaflad taariikhi ah oo si wacan loo soo agaasimay oo loo qabtay ardaygi ugu horreeyay ee ku dhammeeyay Quraanka Markazka muddadi yareyd ee uu furnaa. Ardaygaas oo lagu magacaabo Adam Abdi Hodan waa Allah mahaddiise waxay ku qaadatay in uu ooga qalin jabiyo Dugsiga Quraanka ee xarunta Darulhijra muddo labo sano ka yar.

Xafladdaas oo ay soo agaasimeen macalimiinta Dugsiga ee Markazka waxaa kaloo shahaadooyin kala duwan la guddoonsiiyay ardada kale ee Dugsiga ee heer sare ka gaaray ama dhammeeyay juzazka Quraanka ama culuumta kale ee Islaamiga ah.

Waxaa xusid mudan in ardayga kor ku xusan ee Quraanka dhammeeyay lagu abaal mariyay in loo diro safar cumro ah oo loo wadayo mar dhow masjidka barakeysan ee Makka Al-Mukarama. Waxaan Allah Caza wajalla ooga baryeynaa in wiilkaas oo ay da’diisu tahay 15 jir uu Allah xifdiyo , waalidkiisana(Abdi Hodan & Fadumo Gure) uu ajar ka siiyo tarbiyadaas wanaagsan iyo dadaalkaas dheeriga ah ee ay galiyeen wiilkooda , masha Allah, Allahu Akbar. Sidoo kale waxaa mahad mudan macaliimiinti wax soo bartay Adam, suurtana galiyay in uu muddadaas gaaban ku xufdiyo Quraanka kariimka, galana baalkaas taariikhiga ah “ Ardaygi ugu horreeyay ee ku dhammeeyay Qu’aanka Xarunta Darulhijra Islamic Centre”.[nggallery id=401]

Ugu danbeyn waxaan idiinku bishaareyneynaa in uu Markazku u taagan yahay had iyo jeer in uu ka guul gaaro ujeedooyinki loo dhisay oo ay ugu horreyso in uu soo saaro,badbaadiyana jiilki barrito la wareegi lahaa mas’uuliyadda jaaliyaddeena, si ay u gudbiyaan risaalada Diinteena xaniifka ah Insha Allah. Waxaan Allah ka beryeynaa inaan ku sifowna kuwii uu rasuulkeenna(SCW) sheegay ee uu yiri :

“ KAN IDIINKU KHEYR BADAN WAA QOFKA QURAANKA BARTAY,DADKANA BARAAYO”.Qof walba oo muslim ah oo khabarkaan soo gaarana waxaan ka codsaneynaa inuu noo soo duceeyo.

Baarakallahu Fiikum,Walaalkiin

Halkan hoose ka daawo video-ga xafladda :

C/Rashiid Cali Maxamed
Maamulka Markazka Darulhijra- Toronto
info@darulhijra.org

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online