Ciidamada DFS iyo AMISOM oo gaaray Matabaan kuna siijeeda Dhuusamarreeb

March 3, 2013 - Written by

amisomHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ay ka dhaqaaqeen magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan iyaga oo gaaray Degmada Matabaan waxaana ay ciidamadaas ku socdaan Degmooyinka Dhuusamarreeb iyo Guriceel.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan waxaan horkacaya Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan, Col.Cismaan Dubbad waxaana ciidamadaan ay ka howlgali doonaan gobalka Galgaduud.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Xasan ayaa sheegay inay ciidamada ay soo gaareen magaalada Guriceel, ayna u sii dhaqaaqeen Degmada Dhuusamarreeb oo ay dhawaan soo gaari doonaan madax iyo saraakiil ka tirsan DFS .

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ee saaka gaaray deegaano ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah ee Ururka Al-Shabaab kaas oo awoodiisii wiiqantay lagana qabsaday deegaano badan oo ka tirsan gobalada SH/Hoose ,Sh /dhexe iyo bay iyo Bakool waxaana ugu danbeysay Degmada Buurhakabo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online