Ciidanka Nabadsugida DFS oo lagu eedeeyey dilal ka dhacay Muqdisho

March 14, 2013 - Written by

dilalMuqdisho:-Wariye madax banaan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Halgan.net in ciidamada DFS ay bilaabeen dhaqan la yaab leh kaas oo ah in ay gowracaan ama dilaan dhalinyaro maxaabiis ah ama kuwa la sheegay in ay ka soo goosteen Ururka Al-Shabaab .

Ehelada iyo qaraabada dhalinyaro badan oo ku xiran xabsiyada kala duwan ee DFS ayaa walaac ka muujiyey nolasha caruurtooda ka dib markii 48 kii Saac ee udambeysay magaalada Muqdisho lagu arkay in ka badan  10 qof oo meyd ah oo ay ku jireen dad Maxaabiis  ay saxaafada u soo bandhigeen ciidanka Nabadsugida ee DFS.

Wariyaha madaxa Banaan oo ay halgan.net ka wareysatay xaalada Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka Nabasugida ay bilaabeen in ay laayeen cid walba oo ay uga shakiyaan in uu ka mid yahay Al-Shabaab iyaga oo aan wax maxkamad ah la keenin taas oo walaac ay ka muujiyeen dadweynaha ku dhaqan Muqdisho.

Sidoo kale Wariyaha madax banaan oo socdaal ku soo maray deegaano ka mid ah Bay iyo Bakool ayaa u sheegay Halgan.net in ciidanka DFS ay gowraceen dhowr dhalinyaro ah oo ay ku qabteen dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool ayna Madaxyadooda keeneen magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur taas oo dadkii ka argagaxgalisay .

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka DFS Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  in sharciga ay la tiigsan doonaan cid walba oo maxkamad la,aan dishay maxaabiis ku jirtay gacanta DFS.

Madaxada DFS iyo gaar ahaan madaxda ciidanka nabadsugida  ayaan ilaa haatan ka hadlin dilalka maxaabiis iyo dhalinyaro la sheegay in lagu laayey magaalada Muqdisho .

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. somali waxan aminsanahay somaila waxa hada kasocoda waar aagoosi shaar koox diin huwan

Leave a comment

*