Dadweynihii Muqdisho oo bilaabay in ay baacsadaan kooxaha Madax Jabiska kuna qabtay Degmada Dharkeenley

March 25, 2013 - Written by

toogashoMuqdisho:-Dadweynaha reer Muqdisho ayaa waxaa ka ba,ay cabsidii ay ka qabeen kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab ee la yiraahdo madax jabis ka dib markii ay maalintii shalay baacsadeen laba ka mid ah kooxaha Madaxjabiska oo gabar u shaqeyn jirtay  hay,ad Turki ah oo qaabilsan dhisida wadooyinka magaalada Muqdisho ku dilay Degmada Dharkeenleey.

Gabadha la dilay shalay Allaha u naxariistee ayaa waxaa magaceeda la yiraahdaa Zeynab Sheekh Max’ud  waxaana ku dilay Degmada Dharkeenleey laba dhalinyaro ah balse nasiib wanaag  ay qabteen dadweynihii markii ay baacsadeen iyaga oo markii danbe galay guri lagana soo saaray waxaana ay haatan ku xiran yihiin Saldhiga Degmada Dharkeenley.

Waa markii labaad oo ay dadweynaha magaalada Muqdisho gacanta ku dhigaan kooxaha madax Jabiska  waxayna horey dadweynaha u qabteen Suuqa Bakaaraha nin ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha askari ka tirsan DFS oo ku sugnaa gudaha suuqa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka nasatay dagaaladii fool ka foolka ahaa iyo Madaafiicdii ay qeybin jireen ciidamada AMISOM waxaana haatan ay la daalaadhaceysaa dilal qorsheysan oo ay fulinayaan kooxo abaabulan oo dilal gaadmo ah ka geysta magaalada Muqdisho.

Dhanka kale magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhismo baaxad leh iyo dib u habeyn xarumihii dowlada waxaana magaalada ay tahay mid aad u camiran oo aad moodo in ay ka soo kabaneyso.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online