Dagaal culus oo socda Degmada Marka kaas oo u dhexeeya ciidanka DFS

March 22, 2013 - Written by

breakMarka:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DFS waxaana uu dagaalka  ka qarxay deegaanka Buufow wuxuuna ku soo fiday markii danbe gudaha Degmada Marka.

Dagaalka  ayaa haatan si goos goos ah uga socda bartamaha Degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ku dhintay ilaa 5 qof oo ka tirsan ciidamada dowlada federaalka waxaana ku jira dadka dhaawacmay sida warar hordhac ah ay sheegayaan taliyaha ciidamada Milateriga ee Degmada Marka.

Ciidamada uu dagaalka ka dhex qarxay ayaa u kala jabay laba beelood waxaana dagaalka uu ka socdaa xarunta degmada ,Isbitaalka iyo saldhiga booliska ee magaalada Marka  waxaana la isku adeegsanayaa gawaari Tikniko ah.

Dagaalka ayaa waxaa ilaa haatan ka hadal saraakiisha sare ee ciidanka DFS waxaana isha ka daawanaya ciidamada AMISOM ee ku sugan duleedka Degmada Marka .

Dadweynaha rayidka ee ku dhaqan Degmada Marka ayaa u kala cararay guryahooda waxayna ay la fajacsan yihiin sida ay ciidanka qaran u noqon doonaan ciidan isku heysta Isbaaro beelana u kala jabaya markay is khilaafaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online