Dood-cilmiyeed lagu qabtay Jaamacadda Beder ee Caalamiga ah(Masawiro)

March 17, 2013 - Written by

DSC00020Furitaan iyo soo dhawayn:Khamiistii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd 14/03/2013, ayaa Jaamacadda Beder ee Caalamiga ah waxa lagu qabtay kulan dood-cilmiyeed ah oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahan tiro badan oo bulshada qaybaheeda kasoo kala jeeda.  Waxa ugu horreyn dadkii kasoo qaybgalay  kulankaa ereyo soo dhawayn ah usoo jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda, Eng. Warsame Maxamuud Saleebaan, isagoo kadibna si kooban uga warbixiyay Jaamacadda, qaybaheeda, himilooyinkeeda iyo barnaamijyada waxbarasho ee ay bixiso.  Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sidoo kale faahfaahiyay ujeeddada dood-cilmiyeedkaa loo qabtay.

Muxaadaro: “Maxay dawladuhu u fashilmaan?” “Why do Nations fail?”

Intaas kadib, waxa uu Eng. Warsame uu kusoo dhaweeyay Dr. Xasan Axmed Yuusuf si uu mawduuc uga soo jeediyo goobta.  Dr. Xasan waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, bangiyada iyo maamulka.  Waxa uu lasoo shaqeeyay hay’ado maaliyadeed oo ku kala yaalla Kanada, Gadar, Malaysiya iyo waddamo kale.  Waxa uu soo jeediyay mawduuc ciwaankiisu ahaa “Maxay dawladuhu u fashilmaan?” “Why do nations fail?”, isagoo ka eegaya dhinaca dhaqaalaha.

no images were found

Diktoorku waxa uu mawduuciisaa kusoo koobay muddo ah afartan daqiiqo isagoo nuxurka mawduuciisa kusoo ururiyay in horumarka dhaqaale iyo dib u dhiciisaba ay sabab u yihiin laba arimood oo kala ah:

1)      Aragtida uu waddanku qaato; iyo

2)      Hay’adaha dhaqaale ee waddanka ka jira.

Isagoo diktoorku hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in hay’adaha dhaqaale ee dal ka jiraa ay laba midkood noqonkaraan; hay’ad iyadu dadka/shacabka talada la wadaagta oo afka Ingiriisida loo yaqaan “inclusive institution”, iyo hay’ad talada isku gaar yeesha oo intaa ka tirsan hay’adda ayaa danahooda ka horreysiiya danaha guud, waxaana loo yaqaannaa “exclusive institution.”   Ta hore ayaa ah ta dal horumar gaadhsiinkartaa halka hay’adda danbena ay tahay nooca sababa dib u dhac dhaqaale oo dal ku yimaadda.

Waxa uu Dr. Xasan iftiimayay in hay’adaha ka qaybqaadanaya horumarka dhaqaale ay farabadan yihiin isla markaana ay kasoo jeedaan meelo kala duwan sida dawladda, shacabka, ururrada rayidka ah IWM.

Ugu danbayntii, diktoorku waxa uu fursad siiyay dadkii si wixii faallo ama su’aalo ah loosoo jeediyo.

 

  1. 3.      Faallooyin:

Markii ay soo gaadhay wakhtigii loo qoondeeyay faallooyinka, waxa ugu horreyn waxoogaa tacliiq ah ku darsaday Guddoomiyaha Jaamacadda, Sh. Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed isagoo si kooban u sharxay ahmiyadda uu Islaamku siiyay horumarinta dhaqaale iyo habka uu u dejiyay sida dhaqaalaha loo kobciyo.  Waxa sidoo kale uu tilmaamay waxyaabaha sababa in dawladi ay fashilanto, sababaha ugu muhiimsan ee uu sheegayna waxa ka mid ahaa:

1)      Caddaalad-darrada iyo dulmiga.

2)      Gacmo-shisheeye oo sababa in dalku aanu go’aannadiisa u madax bannaanaan.

Ugu danbayntii, waxa ay aqoonyahankii goobta joogay soo jeediyeen faallooyin kala duwan iyo su’aalo ay waydiiyeen Dr. Xasan isaguna uu ka jawaabay.

 

  1. 4.      Gunaanad:

Dood-cilmiyeedkaasi waxa uu ahaa mid si aad u heer sarraysa u agaasiman, aqoon iswaydaarsi fiicanina ka dhacay, waxaana soo xidhay kulankii Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda.

Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. aad ayaad u mahadsantihiin waa mowduuc muhim ah in dadka loo baahiyo, laakiin waxaad hilmaamteen jaamcada bedr ee caalamiga ah meesha ay ku taalo in aad sheegtaan, aniguse waxaan u fahmay in ay ku taalo hargaysa

    shukran

  2. Asc
    Waa war fiican laakiin Suaashu waxay tahay jaamacadda shirka ka dhacay intee.ku talaa

Leave a comment

*