Dowlada Federaalka iyo Puntland oo Heshiis kala saxiixday [Akhriso +Cod Masawiro]

March 11, 2013 - Written by

heshiisGaroowe:-Waxaa maanta heshiis kala saxiixday DFS iyo Puntland waxaana DFS u saxiixay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon halka Puntland uu u saxiixay madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland C/raxmaan Faroole waxaana ay ku heshiiyeen labada dhinac qodob dhowr ah waxaana uu ka mid ahaa qodobad lagu heshiiyey kuwa soo socda.

1. KOR UQAADISTA KALSOONIDA IYO XIRIIRKA DFS IYO DOWLADDA PUNTLAND:

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen:1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocol ka dowliga ah.

1.2: In la dhiirigaliyo  wada shaqeynta hay,adaha kala duwan ee Puntland iyo Dowladadda Federaalka.

1.3: In la dhaqan gelliyo dhammaan  heshiisyadii  dhexmaray Puntland iyo dowladihii KMG ahaa wixii aan ka hor imaanayn dastuurka.

1.4: Ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.

1.5: In la joojiyo lagana hortago wax kasta  oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac wixii tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal.

2. ISKAASHIGA AMNIGA:

2.1: Isdhaafsiga Xogta, khibradaha iyo isku xirista hayadaha Nabadgalyada.

2.2: Waxaa la isla gartay soo dhawaynta qaadista cunaqabataynta hubka  ayadoo la iska kaashanayo xaga hubka iyo saanadda ciidamada.

2.3: Dhisidda ciidan qaran oo isu dheelitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan gobalada iyo degmooyinka  dalka.
2.4: In si wadjir ah looga wada shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedka.

no images were found

2.5: In dowladda federaalka ay dayactirto  maamushana  xeryaha loo aqoonsado inay yihiin xeryo heer qaran.

2.6: Waxaa lagu heshiiyey in ciidamada Nabadgelyada Puntland laga caawiyo gunooyinka, isgaarsiinta, Gaadiidka, tababarada iyo agabka(logistics).

3. DHAQAALAHA IYO HOUMARINTA:

3.1: Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg deg ah oo ku saabsan sidii loo helli lahaa Shillin Soomaali cusub.

3.2: Waxaa la isku raacay  baahida loo qabo jaangoynta iyo midaynta canshuuraha (Tarifs) dalka oo dhan.

3.3: In la iska kaashado hurumarinta iyo kobcinta maamulka maaliyadeed ee dalka.

3.4: In DFS dadajiyo shirciga maalgashiga  shisheeye lagana faa,iideysto  khibradda Punland.

3.5: In Puntland saamigeeda ay ka hesho dhammaan mashaariicda horumarineed iyo banii,aadanimo ee heer qaran ayadoo DFS soo dhawaynayso una fududaynayso  ciddii caawinaysa  Puntland.

3.6: In loo hawlgalo  wadashaqaynta iyo midaynta hayadaha socdaalka (immigrations) .

3.7: Waxaa la isla gartay in DFS ay saami ku yeelato dakhliga dekedaha iyo garoomada diyaaradaha  si waafaqsan dastuurka.

4. SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA:

4.1: Waxaa  labada dhinac  isla garteen  in Dowladda Federaalku ay dardar geliso nidaamka federaaleynta dalka si waafaqsan dastuurka isla markaana ka hortagto wax kasta oo wax u dhimi kara taaba gellinta dhismaha dowlad gobaleedyada.

5.HANAANKA GEEDI SOCODKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND

5.1: Waxaa labada dhinac isla qaateen in la bogaandiyo lana dhiiro gelliyo hannaanka geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaasna la dhowro  shuruucda iyo xasiloonida Puntland.

5.2: DFS waxay taageeraysaa  lana soconaysaa geedisocodka dimuqraadiyadda Puntland.

6.0: ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO:

6.1: Waxaa  labada dhinac  ku heshiiyeen in DFS  dadajiso isu cellinta hantida gaar ahaaneed si loo hello dib u heshiisiin dhab ah, ayadoo la magacaabayo Guddi heer qaran oo madax banaaan go,aamadiisuna yeeshaan awood fulineed.
6.2: Waxaa  labada dhinac  ku heshiiyeen in DFS  dadajiso  dib u soo cellinta hantidii qaran gudaha iyo debada.

7.SAMAYNTA AQALKA SARE EE BAARLAMANKA FEDERAALKA:

7.1: Waxaa la isla qaatay in DFS dedejiso dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka si  waafaqsan Dastuurka Federaalka.

……………………………………DHAMMAAD…………………… ……….

Saxiixayaasha Heshiiska:

1. Raiisulwasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid)

2.   Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud Faroole

Hoos ka Dhageyso codadka Raisulwasaare Saacid iyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/17d00cb33s/heeshiika_df_pl.mp3″]

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Maxaa looga hadli waayay qaabka ay yeelanay so
    Magaalo madaxda soomaaliya!!

    Waxaa laga wada hadlay wax badan . Balse mafulin
    Doontaa dfs waxa lagu heshiiyay?
    Maadaama aan uga baramay qawl iyo ficil
    Iskhilaafsan

  2. bismilaah hishiis waa fiifanyahay

  3. wexas wexan u arka howl uso hoyota dadka somaliyad lagu farxo howsha qabanayo rawesaraha somalaia hwosha qabata dhiri galinta somalia dhiri galinta mamulada somalaia ka codsanaya

Leave a comment

*