Gaalada dalka joogta maxaa looga hadli waayey? W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad
March 27, 2013 - Written by
Kolkii la soo qaado dhibaatada Al-shabaab diinta iyo ummadda ku hayaan waxay markiiba la soo boodaan maxaa looga hadlayaa Shabaab maa gaalada dalka joogta laga hadlo?!. Su’aashaas markii kor laga eego waxay u ekaanaysaa wax sax ah; waayo Al-shabaab waa muslin, muslinkuna mar walba gaalada waa ka fiicanyahay laakiin qofka og xaqiiqada dalka taal wuxuu qirayaa in su’aashaasi tahay marin habaabin ummadda lagaga jeedinayo khatarta ugu weyn oo ku habsatay samankaan. Haddaba akhristow ugu horayn ila eeg xogtaan, ka dibna adigu isaga jawaab su’aasha kor ku xusan.
Dalka waxaa jooga ciidamo shisheeye oo aysan shacabka Soomaaliyeed u yeeran, imaanshohooda iyo joogistoodana aysan raali ka ahayn, waxaana tusaya mowqifkii geesinimada lahaa ee ay ciidamadaas ka istaageen Soomaali gude iyo dibad, wadaad iyo waranleba ciidankaas af iyo adinba way kula dirirtay.
Wadahadalkii xilligii halganka la galayna waxaa lagu gaaray in ciidanka Itoobiyo baxaan Afrikaanka kale bixitaankooduna ma adkaadeen mar haddii awooddii weynayd baxday Ciidamadii la dagaalamay quwadaha shisheeye waxay isku maandhaafeen heshiiska la galay waxaana ka dhex dhacay dagaal dhab ahaan ummadda ka jeediyey cadawgii ay is hayeen, gaaladii dalka joogteyna fursad siiyey.
Dhinac kale heshiiskaas ka hor kooxda Al-shabaab waxay xasuuq qarsoon iyo mid muuqdaba ku haysay shacabka Soomaaliyeed laakiin heshiis kaas ka dib waxay si buuxda oo bareer ah hubkooda ugu isticmaaleen ciidamadii maxkamadaha, si hoosena waxay u naafaynayeen ciidamadii xisbiga ee iyaga la safnaa. Kolkay meesha ka bexeen ciidamadii maxkamadaha waxay u jeesteen ciribtirka ciidankii xisbiga iyo khaarajinta nin doorkii kooxda Al-shabaab ku dhexjiray. Iyaga oo si toos ah iyo si dadbanba uga takhalusay raggii hoggaanka ahaa ama lahaa aqoonta sare ee ciidanka.
Waxaa intaas dhinac socdey inay halsiibaan muslimiintii kale ee dalka u timid inay u hiiliyaan diinta iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana la wada ogyahay cid kale iska daaye in seddexdii nin ee Maraykanku Soomaaliya ka goobayey in si dahsoon loo wada khaarajiyey!. Kolkii ay ciribtireen wixii wadaad ahaa ee hubaysnaa ha noqdeen kooxo ama naftood-hurayaal madax-bannaan ama raggii ehelu-diinka ahaa ee kooxda Al-shabaab ku jirey waxay usoo jeesteen laynta iyo xasuuqa culumada iyo ducaada aan hubaysnayn; waayo waxay la noqotay in aysan jirin cid ka difaacaysa.
Intaas waxaa barbar socdey in nindoorka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii muqaawamada kaalinta ku lahaa (caalim, siyaasi, aqoonyahan, sarkaal, oday dhaqan, maalqabeen iwm) ay shirqoolo iyo qaraxyo ku laayaan. Taas waxaa usii dheer iyaga oo dadweynaha xasuuq saf kala maray ha noqoto qabiilooyin lagu duulo, qaraxyo waaweyn oo meelaha ay isugu yimaadaan laga sameeyo. Qixinta, cabsigalinta iyo baaduna waa usii dheertahay.
Haddii hadalka la soo koobo kooxda Al-shabaab iyada ayaa dilaysa ciddii gaalo siyaasad kula dirirta iyo ciddii qori u qaadataba. Dadka dalka joogana waa ogaayeen in ay soo saareen halkudheg la dhoho “shariif raac ama shabaab raac”. Waxay kala firdhiyeen raggii jihaadka gali jirey oo aan kooxaha ka tirsanayn, waxay tirtireen cid kasta oo jihaad doonaysa oo aan iyaga soo raacin. Mujaahidiinta dhiiggooda si ay u bannaystaan waxay hadba soo saarayeen shubhooyin iyo halkudhegyo, sida: way riddoobeen, waa jawaasiis, wilaayaat islaamiya ayaa dhisan oo ay khilaafeen, in la raaco ninkii inta kale ka adkaada waa diin, safkuu kala jabinayaa iwm.
Intaa ka dib akhristow adiga aan su’aasha dib kuugu soo celiyee waa kuma ninka fursada u haysta inuu gaalada af ama addin kula diriro?. Tan labaad dadka jeegada laga biraynayo ama salaadda lagu dhex dilayo oo markay ashahaataan jawaabtu tahay ashahaado wax ha kuu tarto ma yeeli karaan inay kuwii sidaas u galayey la saftaan, kuwii ka celinayeyna ka saftaan?.
Tan kale wadaadka maanta oranaya gaalo ha baxdo isaga oo aan balaayada xasuuqaysa ka difaaci karin miyaan bulshada waxaas loo geystay u arkayn nin iyada cadow ku ah oo aan diin iyo ummad midna dan ka lahayn?.
W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

.gif)

