Gaalada dalka joogta maxaa looga hadli waayey? W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

March 27, 2013 - Written by

shaxmedKolkii la soo qaado dhibaatada Al-shabaab diinta iyo ummadda ku hayaan waxay markiiba la soo boodaan maxaa looga hadlayaa Shabaab maa gaalada dalka joogta laga hadlo?!. Su’aashaas markii kor laga eego waxay u ekaanaysaa wax sax ah; waayo Al-shabaab waa muslin, muslinkuna mar walba gaalada waa ka fiicanyahay laakiin qofka og xaqiiqada dalka taal wuxuu qirayaa in su’aashaasi tahay marin habaabin ummadda lagaga jeedinayo khatarta ugu weyn oo ku habsatay samankaan. Haddaba akhristow ugu horayn ila eeg xogtaan, ka dibna adigu isaga jawaab su’aasha kor ku xusan.

Dalka waxaa jooga ciidamo shisheeye oo aysan shacabka Soomaaliyeed u yeeran, imaanshohooda iyo joogistoodana aysan raali ka ahayn, waxaana tusaya mowqifkii geesinimada lahaa ee ay ciidamadaas ka istaageen Soomaali gude iyo dibad, wadaad iyo waranleba ciidankaas af iyo adinba way kula dirirtay.

Wadahadalkii xilligii halganka la galayna waxaa lagu gaaray in ciidanka Itoobiyo baxaan Afrikaanka kale bixitaankooduna ma adkaadeen mar haddii awooddii weynayd baxday Ciidamadii la dagaalamay quwadaha shisheeye waxay isku maandhaafeen heshiiska la galay waxaana ka dhex dhacay dagaal dhab ahaan ummadda ka jeediyey cadawgii ay is hayeen, gaaladii dalka joogteyna fursad siiyey.

Dhinac kale heshiiskaas ka hor kooxda Al-shabaab waxay xasuuq qarsoon iyo mid muuqdaba ku haysay shacabka Soomaaliyeed laakiin heshiis kaas ka dib waxay si buuxda oo bareer ah hubkooda ugu isticmaaleen ciidamadii maxkamadaha, si hoosena waxay u naafaynayeen ciidamadii xisbiga ee iyaga la safnaa. Kolkay meesha ka bexeen ciidamadii maxkamadaha waxay u jeesteen ciribtirka ciidankii xisbiga iyo khaarajinta nin doorkii kooxda Al-shabaab ku dhexjiray. Iyaga oo si toos ah iyo si dadbanba uga takhalusay raggii hoggaanka ahaa ama lahaa aqoonta sare ee ciidanka.

Waxaa intaas dhinac socdey inay halsiibaan muslimiintii kale ee dalka u timid inay u hiiliyaan diinta iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana la wada ogyahay cid kale iska daaye in seddexdii nin ee Maraykanku Soomaaliya ka goobayey in si dahsoon loo wada khaarajiyey!. Kolkii ay ciribtireen wixii wadaad ahaa ee hubaysnaa ha noqdeen kooxo ama naftood-hurayaal madax-bannaan ama raggii ehelu-diinka ahaa ee kooxda Al-shabaab ku jirey waxay usoo jeesteen laynta iyo xasuuqa culumada iyo ducaada aan hubaysnayn; waayo waxay la noqotay in aysan jirin cid ka difaacaysa.

Intaas waxaa barbar socdey in nindoorka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii muqaawamada kaalinta ku lahaa (caalim, siyaasi, aqoonyahan, sarkaal, oday dhaqan, maalqabeen iwm) ay shirqoolo iyo qaraxyo ku laayaan. Taas waxaa usii dheer iyaga oo dadweynaha xasuuq saf kala maray ha noqoto qabiilooyin lagu duulo, qaraxyo waaweyn oo meelaha ay isugu yimaadaan laga sameeyo. Qixinta, cabsigalinta iyo baaduna waa usii dheertahay.

Haddii hadalka la soo koobo kooxda Al-shabaab iyada ayaa dilaysa ciddii gaalo siyaasad kula dirirta iyo ciddii qori u qaadataba. Dadka dalka joogana waa ogaayeen in ay soo saareen halkudheg la dhoho “shariif raac ama shabaab raac”. Waxay kala firdhiyeen raggii jihaadka gali jirey oo aan kooxaha ka tirsanayn, waxay tirtireen cid kasta oo jihaad doonaysa oo aan iyaga soo raacin. Mujaahidiinta dhiiggooda si ay u bannaystaan waxay hadba soo saarayeen shubhooyin iyo halkudhegyo, sida: way riddoobeen, waa jawaasiis, wilaayaat islaamiya ayaa dhisan oo ay khilaafeen, in la raaco ninkii inta kale ka adkaada waa diin, safkuu kala jabinayaa iwm.

Intaa ka dib akhristow adiga aan su’aasha dib kuugu soo celiyee waa kuma ninka fursada u haysta inuu gaalada af ama addin kula diriro?. Tan labaad dadka jeegada laga biraynayo ama salaadda lagu dhex dilayo oo markay ashahaataan jawaabtu tahay ashahaado wax ha kuu tarto ma yeeli karaan inay kuwii sidaas u galayey la saftaan, kuwii ka celinayeyna ka saftaan?.

Tan kale wadaadka maanta oranaya gaalo ha baxdo isaga oo aan balaayada xasuuqaysa ka difaaci karin miyaan bulshada waxaas loo geystay u arkayn nin iyada cadow ku ah oo aan diin iyo ummad midna dan ka lahayn?.

W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

11 Comments so far

Leave a comment

  1. s.c.w. sh.ahmed runta iyo cadeyn xaqa alaha kaa abaal mariyo umadana alaha soo hanuuniyo dad badan oo dhalintii yareed ah madaxaa laga xadey gudaha iyo dibadaba waxaana loo baahanyahay juhdi weyn oo kii alshabaab ay dhalintaas ku marinhabaabiyeen soo tirtira jazakalaahu jihaadul kalimatulxaqana saas ku wad w.s

  2. waa waxa wanagsan in xaqiiqad laga hadlo in galada wadank laga saaran waa wax lobahanyahay

  3. MASHA LAAHH SH AHMED RABI HAKU XIFDIYO WALAL WADNA KUMAHAD SNATAHAY SIDA QIMAHA LEH AAD NOGU BAYAANISAY AYAGANA RABI HASOO HANUUNIYO HADUU HANUUNLA DOONAY

  4. Ascww
    Sheikh Axmed Allah ha ku xafido mawduucaan waa loo baahnaa inaad ka hadshid maxaa yeelay waa shubhada ugu Weyn ee ay al shabaab ku Marin habaabiyeen dad badan oo diin jacayl qaba laakiin aan Cilmi lahayn iyo qaar ma kaa ahba
    Xaqiiqaduna waxay tahay mabaad’ida Alqaacid Waxaa ka mid ah in gaalada dhulalka gaalada loogu yeero si loogu jihaado taasoo ku tusaysa fiqi xumidooda iyo jahligooda tan labaad gaalada madaw ee hada Dalka joogta iyo al shabaab kee baa Dalka, dadka iyo fiintaba u dhib badan oo u daran, inta ay al shabaab bi’iyeen iyo inta gaaldu bi’isay kee baa badan, waxa ay alshabaab samaynayaan gaaldu ma samaysaa? Su’aalahaasoo dhan waa kuwa mudan in la is weydiiyo

  5. Jazaa Ka Allaah Sheekh, arrin aanu ku dawakhsanayn ayaad noo iftiimisay, fursadda gaaladu ka heshay soomaaliya shabaab ayaa bixiyay, dadku inay dawakhaan oo nacabkooda iyo nasteexooda kala garan waayaanna iyagaa sabab u ah.

  6. a,w,w
    Shiikh axmed akhii waa ku salaamayaa, salaan kadib mawduuca aad ka hadashay aad baa loogu baahnaa, Ilaahay khayr badan ha kaaga abaalmariyo sida aad u sharraxday, aniga waxay ila tahay Alshabaab hadday oran lahaayeen gaalada dalka joogta maa laga hadlo, waxaaba xujo ugu filan, oo idinku dadkoodhan baaba gaalo u taqaanniine yaa la saaraa yaase la soo reebaa? haddaad culimadii dadka khayrka faraysey gaaleyseen kadibna layseen maxaa idiin haray?

    midda kale wada hadal marabo, oo nabad ma rabo, oo dal gubanaya dan kama lihi, oo dad dhimanaya dan kama lihi, oo qofkaan doonaan dilayaa, oo ciddii fekred igu khilaaftaa waa gaalo dhiiggooduna waa ii xalaal, oo masaajidda iyo meelihii xurmada lahaa baan dadka ku laynayaa intaan kabaha la soo galo, oo xataa iyagoo culimo ah oo salaad iyo cibaado ku dhexjiraan dilayaa, oo iyadoo aysan jirin cid beyco ila gashay ayaan dadka ku khasbayaa inay i addeecaan oo iga danbeeyaan, oo xataa aysan xaq u lahayn aragtidooda dhiibtaa, waxaan rabaa khalad iyo saxba in la igu raaco, hadhowna waxaan oranayaa gaalada maxaa looga hadli waayey waa cajab iyo dhabanahays iyo amakaag, Ilaahow Rabbiyoow iimaanka ha naga qaadin, Ilaahow xaqa na tus inaan raacnana nagu irzaaq,aamiin.

  7. Allaah ha ku barakeyo Sheikh Ahmed.. Alshabaab iyaga ayaa dalka soo geliyey gaalada hadana in ay sii joogaan sabab u ah taasi waa mid nin kasta oo wax garad ahi ogyahay.. Gaalada iyaga ayaa wadan soo geliyey waayo iyaga ayaa ku baaqey in ay ku tukan doonaan adis-ababa, iyaga ayaa diiday in lala heshiiyo dowladii federalka aheyd ee Abdullahi Yusuf madaxda ka ahaa oo aheyd mid aan awood laheyn awooduna ay ku jirtay gacanta Maxaakimta waxayna runtii aheyd fursadii ugu dhoweyd in somalia aya dowladnimadeedii hanato iyada oo islaamiyiintu awooda badan leeyihiin, ragii ku baaqey ee bayaanka ka soo saaray in aan sabab loo noqon gaala cadow ah in ay wadanka soo gasho waxaa ka mid ahaa culimada ay AL-shabaab leysay (Dr Ahmed H Abdrahman iyo Sheikh Abdulkadir Nour Farah) iyo rag badan oo hada jooga waliba warkoodu kuma ekeyn qoraal ee waxay safar ku tageen Muqdisho jawaabtii ay ragii alshabaab maxaakimda ugu jiray baxsheena waxay aheyd Adis ayay xoreyneynaa…. gaaladu markii somalia soo gashay waan ogeyn shabaab meeshii ay orod ku tageen…. waxaan aad ugu codsan lahaa Sheikh Ahmed in uu bayaankii culimadu ka soo saareen in aadan gaalo loogu yeerin uu Halgan.net soo geliyo.
    War iyo dhamaantiis gaalada somalia joogtaa Alshabab baa ku heysa, Dowlad la’aanta iyo dayacana Alshabab baa ka mas’uul ah, dilka hal doorka iyo culimada dhiigooda lagu baneystay fil xili wal xaram… iyadu waa maragma doonto…….. Tolow shabaab Maxay naga Damacsan yihiin hadaan SOMALI nahay…..

  8. Asc baarakallaah yaa shaykhunaa
    Waxaad kadhawaajisay waa arrin jirta
    Gaalada 120maalmood ee culimadu uqabteena iyagaa diidey
    Allaah waddankeena ha inoo dajiyoo dawlad diinta islaamka inagu xukunta allaah hayna siyo
    Gaalada iyo nimankaba sharkooda allaah sw haynaa dhaafiyo

    Wasalaamu calaykum warraxmah

  9. Alah ku na hanuunsho aniga iyo adigaba sh axmedow

  10. ilaahy hakaa abaal mariyo waxaan jeclaan lahaa inuu sheekhu noosoo dhamaystiro maqaalkii ashabaab been abuurkoodii iyo aamuskaygii

  11. nacam sh axmed xaqiiqaduu ka hadlay shar shabaab kawayn maanta mahaysto soomaaliya iyo caalamal islaamba

Leave a comment

*