Golaha Ammaanka ee QM oo xayiraadka hubka Fudud ka qaaday Soomaaliya

March 6, 2013 - Written by

qmNew York:-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka qaaday Soomaaliya xayiraad hubka nooca Fudud muddo sanad ah waxaaana xayiraada hubka uu saarnaa Soomaaliya mudo ka badan 20sano markii ay dhacday dowlada dhexe ee Soomaaliya .

Golaha Ammaanka ayaa ka  dooday, waxaana markii danbe 15-ka xubnood ay isku raaceen in Soomaaliya laga qaado cunnaqabateynta hubka fudud waxaana dib loo dhigay hubka noociisa waaweyn waxaana la kordhiyey sidoo kale mudo sanad ah howlgalada ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ka wada howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Raisul wasaare DFS Cabdi Faaraxc Shirdoon ayaa soo dhaweeyey ka qaadista hubka Fudud Soomaaliya waxaana uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay DFS xili ay Maamulka S/land iyo Puntland ay ka soo horjeesteen in xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya ayaa golaha amaanka waxaa uu ugu baaqay in ay xakameyso hubka soo gali doona gacanteeda waxayna ugu baaqeen in hubka fudud ee laga qaaday Soomaaliya uusan gacanta u galin kooxaha ka soo horjeeda DFS ee Al-Shabaab iyo maleeshiyo qabaa,ilka taas oo keeni karta amni xumo .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online