Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada bariga Africa oo howl shaqo ku tegay dalka Uganda

March 2, 2013 - Written by

4Boosaaso:-Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada bariga Africa ee magaalada Boosaaso Dr.Dayib Ali Mohamed, ayaa waxaa u safar shaqo maalmihii la soo dhaafay ku joogay wadanka Uganda , Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Bariga Afitka Dr Dayib Cali Maxamed ayaa waxaa uu kula gaar ah l yeeshay Ardayda Soomaaliyeed ee wx ka barata dalka Uganda.

Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimaya ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururja Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda iyo weliba ardaydaSoomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Kampla International University(KIU), kulanka ayaa waxaa uu ka dhacayHoolkaweyn  ee jaamacadda KAI.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada bariga Africa ee magaalada Boosaaso Dr.Dayib Ali Mohamed  oo kulanka ka hadlay aya waxaa uu aad u bogaadiyey haniga sare ee ku jira Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda  isagoo ku tirtirsiiyey in ay ku fara adaygaan wax barashadooda si ay guul uga gaaraan.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada bariga Africa ee magaalada Boosaaso Dr.Dayib Ali Mohamed ayaa kula dardaarmay in ardaydu aysan noqon kuwa khasaariya fursada ay siiyen waaliidkood oo kharash badan ku bixiya in ay guulaystaan ubadkooda arrinkaas oo ah buu yiri Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada bariga Africa wax u baahan in ay Ardaydu ka baaraan degaan.

no images were found

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada bariga Africa ee magaalada Boosaaso Dr.Dayib Ali Mohamed ayaa u sheegay in Ardayda loo baahan yahay markii ay dhamaystaan waxbarashadooda in ay dalkooda hooyo ay dib ugu soo noqdaan  si dadkooda iyo dalkooda u anfahaan iyo in ay u diyaar garoobaan in ay noqdaan jiilkii dalka Soomaaliya ka saari lahaa dhibaatada uu ku jiro.

Ugu danbayntii aya Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada bariga Africa ee magaalada Boosaaso Dr.Dayib Ali Mohamed  wuxuu aad u gu booriyay Ardayda in ay noqdaan safiiro looga daydo dhinac walba sida akhlaaqda , diinta   ayna ilaaliyaan magaca ay xanbaarsan yihiin Soomaaliyeed iyo Islaanimo. Gudoomiye ku xigeenku Jaamacada bariga Africa ayaa intii uu joogay dalka Uganda waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Ardayda ka timid degaanada Puntland iyo kuwa kasoo qalin jabiyay Jaamacada Bariga Africa(EAU).

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online