Heshiis dhexmaray East Africa University(EAU) iyo Islamic University in Ugandha(IUIU).[Daawomasawirada]

March 3, 2013 - Written by

9Kampala:-Waxaa dhawaan socdaal shaqo ku yimid dalka Uganda gaar ahaa caasimada dalkaas ee magaalada Kampala guddoomiye ku xigeen ka  Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso Dr Dayib Cali Maxamed, Guddoomoyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Ardayda jaamacad daha iyo waxgaradka kale duwa ee ku nool magaalada Kampala isagoo watrbixn ka siiyey Jaamacadda Bariga afrika  ee Boosaaso.
Haddaba Taariikhdu markay ahayd ayaad 26/02/2013 ayaa  waxaa hishiis is afgarad(MOU) ku kala saxiixday magaalada Kampala ee wadanka Uganda  labada Jaamacadood ee  kala ah East Africa University(EAU) iyo Islamic University in Ugandha(IUIU). Heshiskaas oo ku saabsan sidii IUIU ay uga hirgalin lahayd  xarunta EAU ee Boosaaso waxbarashada ka saraysa  shahaadada  1aad (Bachelor).

no images were found

Heshiiskaan ayaa waxaa dhinaca EAU u saxiixay Gudoomiye ku xigeenka  EAU Dr. Dayib Cali Maxamed halka dhinaca IUIU uuu u saxiixay dhigiisa  Dr Mouhamed  Mpezamihigo. Heshiiskan ayaa noqonaya mid wax weyn ka badala waxbarashada guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland, kaasoo u fududaynaya in arday badan oo awoodin in ay waxbarsho u aadaan wadanka dibadiisa ay helaan fursad ay kusii wataan waxbarshadoodii.

Sidoo kale heeshiiskani wuxuu wax badan ka tarayaa dhamaan shaqaalaha oo fursad u helaya in ay iyagoo shaqadoodii wata ay sii kororsadaan aqoontooda. Jaamacada EAU ayaa ah Jaamcada ugu da’da wayn uguna wax soo saarka badan deegaanada Puntland waxaan ay ilaa hadda guul la taaban karo ay ka gaareeb in ay daboolaan baahida ardayday ku nool dalka gudihiisa, Waxaa kale oo fursad ay siiyeen jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaso in ardayda  ka qalan jabisa  shahaadada  1aad (Bachelor) ay fursada u hellaan in ay sii wataa waxbarashadooda.

Heshiiska ay kala saxiixdeen labada Jaamacadood ee  East Africa University(EAU) iyo Islamic University in Ugandha(IUIU) ayaa ah guul weyn waxaan barmaamijka heshiiskaan uu bilaaban doonaa bisha lixaad ee sanadkaan 2013.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online