Koox Burcad ah oo lacag ka dhacday Xawaalada Kaah Express ee magaalada Boosaaso

March 27, 2013 - Written by

BooliskaBoosaaso:-Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa  saaka waxaa ay weerar hubeysan ku qaadeen Xawaalada Kaah Xafiiskeeda magaalada Boosaaso waxaan weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shaqaalihii Xawaalada.

Falka burcadnimo  ayaa waxaa uu dhacay waqti maalin ah isagoo ka dhacay goob suuq ah oo dadku ay aad ugu badan yihiin, falka ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidanka Booliska Boosaaso iyagoo bilaabay howl galo ay ku baacsanayaan kooxda falka burcadnimo geystay.

Kooxdaan burcadka ah ayaa waxaa falka weerarka waxaa ay ku dileen Allaha u naxariistee Khasnajigii Xawaalada Kaah Express C/waaxid Maxamed Guuleed iyo Xassan Weeyrax waxaa kale oo weerarka ku dhaawacmay ilaa labo ka mid ah shaqaalaha Xawaalada oo kala ah C/qaadir Ibraahin iyo Asad Ximbil Cilmi.

Ilaa hadda ma jiro wax faahfaahin oo ka soo baxay Madaxda Xawaalada Kaah Express iyo laamaha amaanka oo ku saabsan lacagta la dhacay inta ay la’egtahay iyo kooxda falka geystay cid lala xiriirinayo.

Wixii war ah oo soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waa saabiqa khadhiira waa in gacanta lagusoodhigaa burcadaa kadibna lagu ridaa ashadal cuquubah

Leave a comment

*