Koox Burcad ah oo lacag ka dhacday Xawaalada Kaah Express ee magaalada Boosaaso

March 27, 2013 - Written by

BooliskaBoosaaso:-Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa  saaka waxaa ay weerar hubeysan ku qaadeen Xawaalada Kaah Xafiiskeeda magaalada Boosaaso waxaan weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shaqaalihii Xawaalada.

Falka burcadnimo  ayaa waxaa uu dhacay waqti maalin ah isagoo ka dhacay goob suuq ah oo dadku ay aad ugu badan yihiin, falka ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidanka Booliska Boosaaso iyagoo bilaabay howl galo ay ku baacsanayaan kooxda falka burcadnimo geystay.

Kooxdaan burcadka ah ayaa waxaa falka weerarka waxaa ay ku dileen Allaha u naxariistee Khasnajigii Xawaalada Kaah Express C/waaxid Maxamed Guuleed iyo Xassan Weeyrax waxaa kale oo weerarka ku dhaawacmay ilaa labo ka mid ah shaqaalaha Xawaalada oo kala ah C/qaadir Ibraahin iyo Asad Ximbil Cilmi.

Ilaa hadda ma jiro wax faahfaahin oo ka soo baxay Madaxda Xawaalada Kaah Express iyo laamaha amaanka oo ku saabsan lacagta la dhacay inta ay la’egtahay iyo kooxda falka geystay cid lala xiriirinayo.

Wixii war ah oo soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online