Madaxweynaha DFS oo caawa gaaray caasimadda dalka Qadar ee Dooxa(Masawiro+ Video)

March 25, 2013 - Written by

00Qadar:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa ka soo degay caasimadda Qadar ee Dooxa, si uu uga qeyb galo shirka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka dayuuradaha  ku soo dhoweeyay Amiirka dalka Qadar Amir Hamad Bin Khalifah Al Thani, iyo dhaxal sugaha Sheekh Tamim Bin Hamad Bin Khalifah Al Thani.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa dhibaatada ka taagan dalka Suuriya, sidii loo horumarin lahaa Ururka Jaamacadda Carabta iyo arimaha Falastiin.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah ee uu Madaxweyne Xassan  ka qeyb galo tan iyo markii uu xilka la wareegay.[nggallery id=454]

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madax kala duwan ee Carbeed si uu ugala xaajoodo arrimo ay ka mid yihiin xiirirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan xagga horumarka.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sare u qaaday uuna wanaajiyay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Caalamka taasna waxey ka mid tahay aragtidiisa siyaasadeed ee ku wajahan arimaha dibadda.

Malik Abdalla
Director of Communication
Office of the Somali President 
Villa Somalia, Mogadishu

mabdalla@presidency.gov.so

Leave a comment

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online