Madaxweynaha DFS oo caawa gaaray caasimadda dalka Qadar ee Dooxa(Masawiro+ Video)

March 25, 2013 - Written by

00Qadar:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa ka soo degay caasimadda Qadar ee Dooxa, si uu uga qeyb galo shirka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka dayuuradaha  ku soo dhoweeyay Amiirka dalka Qadar Amir Hamad Bin Khalifah Al Thani, iyo dhaxal sugaha Sheekh Tamim Bin Hamad Bin Khalifah Al Thani.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa dhibaatada ka taagan dalka Suuriya, sidii loo horumarin lahaa Ururka Jaamacadda Carabta iyo arimaha Falastiin.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah ee uu Madaxweyne Xassan  ka qeyb galo tan iyo markii uu xilka la wareegay.

no images were found

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madax kala duwan ee Carbeed si uu ugala xaajoodo arrimo ay ka mid yihiin xiirirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan xagga horumarka.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sare u qaaday uuna wanaajiyay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Caalamka taasna waxey ka mid tahay aragtidiisa siyaasadeed ee ku wajahan arimaha dibadda.

Malik Abdalla
Director of Communication
Office of the Somali President 
Villa Somalia, Mogadishu

mabdalla@presidency.gov.so

1 Comment so far

Leave a comment

  1. kor allaha kadhigo madaxweynaha SOMALIYA HASSAN SHEIKH MAHMUUD
    taageero ayaan uheynaa intii uu diyaar uyahey badbaadinta umadiisa allaha lagarabgalee amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

Leave a comment

*