Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay ismaaciil Cumar Geele iyo madax kale

March 27, 2013 - Written by

_with_DjiboutiQadar:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta kulamo kala duwan  la qaatay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geele iyo Raiisul Wasaaraha dalka Liibya Mudane Cali Zeidan.

Madaxweynaha ayaa markii u la kulmay Madaxweynaha  Jabuuti waxuu kala hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ciidamadda Soomaliya la tayeeyo si ay amniga dalka oo dhan u sugaan. Waxaa kale oo goobtaas looga hadlay doorka ay Jabuuti ka qaadatay  kana qaadan doonto ciidamadda AMISOM. Madaxweynaha ayaa  wuxuu yiri ”Si deg deg ah ayey Jabuuti uga soo gaartay markii ay dhawaan cudurro ka dilaaceen qaar ka mid ah goboladda Soomaaliya .

_with_libyaKulankii uu la qaatay Raiisul  Wasaaraha dalka Liibiya Mudane Cali Zeidan ayuu Madaxweynuhu wuxuu xoogga saaray xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Liibya. Waxaa kale oo uu kala hadlay in muwadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada Liibiya ku jira dib loogu soo celiyo dalkooda.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa caawa la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qadar.


Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online