Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxmuud oo khudbad ka jeediyey kalfadhiga Baarlamaanka DF

March 2, 2013 - Written by

DSC_0836Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maaanta furitaankii kala fadhiga 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaalia ka jeediyay Khudabadda Xaaladda Qaranka.

Goobtaas ayaa waxaa joogay Gudoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxemed Sheekh Cusmaan (Jawaaari) Raiisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Xildhibaanada Qaranka, Golaha Wasiirada iyo Sarakiil sar-sare oo ka socotay dowladda qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha oo qudbad Qiira badan leh ka jeediyay Munaasabaddan ayaa ugu horeyntii si sharaf leh u salaamay Baarlamaanka. Kadibna wuxuu tacsi u diray dhamaan Xildhibaanadii, Ciidamadii iyo Shacabkii geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa goobtaas ka sheegay in aan la isku khilaafsaneyn Dowladnimo, Midnimo, Sarreynta Sharciga, arimaha Federaalka, Dhisid Ciidan Qaran, Qaadidda Cunaqabateynta Hubka, Deris Wanaag, Xiriir wanaagsan oo lala yeesho dalaka deriska ah, dib-u heshiisiinta iyo Hanti-isucelinta. Nidaam dowladdeed oo Federaali ah ayey dadka Soomaaliyeed ku heshiyeen, Dastuurka ayayna ku cadahay.”

Madaxeweynaha ayaa  goobtaas ka cadeeyay siyaasadda arimaha gudaha iyo tan dibadda.” Laga soo bilaabo markii la unkay dowladdaan bishii Agoosto ee 2012, waxaa dalka ka dhacay isbedello qiimo leh oo ay ka mid yihiin: Amninga iyo Nabadeynta. Dhul ballaaran oo ay horay u haysatay kooxda Al-Shabaab ayey dowladdu xoreysay. Deegaano fara badan ayey dowladda xaqiijisay in dhibaato dambe ka dhicin. Magaalo Madaxda ayaa lagu guuleysatay in amnigeeda la xaqiijiyo oo isbaaroyinkii laga qaaday”

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayey Ciidamada wuxuu sheegay “Ciidamadda Qalabka sida ayaa labo shaqo isku hayo, kuwaas oo kala ah howlgalada nabadgelyo oo ay dalka ka wadaan iyo mid dib u dhis  ayaga lagu sameynayo .”

Madaxeynaha ayaa sidoo kale sheegay” Siyaasadda Dowladda waxaa ka mid ah soo celinta haybadii iyo xiriirkii iskaashiga Soomaaliya iyo dibedda waxaana la booqday dalal badan, waxaana isfaham istaageersi ah la soo yeelanay dalalkaas iyo  Dalalka Deriska ah.  Wuxuu wada hadalkeena saldhig u ahaa sidii loo aabuuri lahaa jawi nabadeed iyo is-faham si wax wada qabsi wanaagsan looga dhex abuuro dhamaan shacabka Geeska Afrika. Waxaana dalalkaas uga mahad celinay kaalmada walaalnimo ee ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale sheegay in  si gaar ah ay ula kulmeen Dowladda Maraykanka iyo tan Ingriiska waxeyna balan qaadeen in ay Soomaaliya garab taagan yihiin ayna ka saacidi doonan dhinac kasta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bisha May uu dhici doono shirweyne loo qaban doono Soomaaliya loogana hadli doono arimaha Soomaaliya. Dhanka kale Soomaali-Land wada hadalkii lala bilaabay wuu sii socon doonaa.

Ugu danbeytii ayuu Madaxweynaha Xildhibaanada u sheegay in ay howl badan dhiman tahay loona baahan yahay in  si wadajir ah loo qabto. Horumarkaasna uu faaiido weyn ugu jiro umadda Soomaaliyeed.

—-Dhamaad.—–

Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online