Maxamuud Xuseen Xasan(Garaar) oo ahaa saraakiishii UWSLF oo shil gaari ku dhintay

March 25, 2013 - Written by

tacsiJigjiga:-Waxaa maanta shil gaari ku dhintay Allah ha unaxariistee  Maxamuud Xuseen Xasan(Garaar) oo ka mid ahaa saraakiishii ururkii UWSLF waxaan sidoo kale shilka gaari uu dhaawac fudud ka soo gaaray laba qof oo kale oo la soctay Marxuum Maxamuud Xuseen Xasan(Garaar)

Col.Maxamuud Xuseen Xasan(Garaar) ayaa galabta casarkii lagu aasay magaalada Jigjiga waxaana aaska ka soo qeyb galay dadweyne ,culuma,udiin,iyo Masuuliin ka tirsan Maamulka DDSI.

Sheekh Ibraahim Sheekh Xusen(Ibraahim Dheere) oo ahaa Madaxii Ururkii UWSLF ayaa kalimad kooban ka jeediyey aaska waxaana uu tacsi u diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday  Marxuum Maxamuud Xuseen Xasan(Garaar)

 

Halgan.net
Jigjiga

1 Comment so far

Leave a comment

  1. innaa lillaahi wainnaa ileeyhi raajicuun allaahumma ajirnaa fiimusiibatinaa wakhluf lanaa khayranminhaa

Leave a comment

*