Ra’iisal Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo saaka booqday xerada 54-aad ee ciidanka Xoogga Puntland
March 11, 2013 - Written by
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha Xeradan iyo xafiisyada, wuxuuna mid mid u gacan qaaday saraakiisha taliska ciidanka ee Puntland, oo iyagu halkaasi dhoolatus ka sameeyey, wuxuuna salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ee Puntland. Ugu dambeyntiina, saraakiisha ciidanka ayaa halkaasi ka soo jeediyay khudbado, heeso iyo gabayo, iyaga oo soo bandhigay waxqabadkooda, waxayna ka codsadeen Dowladdu inay ka garab siiso sidii loo sii horumarin lahaa ciidamada Puntland.
no images were found
Dhanka kale, Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo is daba joog ah la leh labadii cisho ee ugu dambeysay madaxda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale Ra’iisal wasaaruhu uu booqday shalay qaar ka mid ah Wasaaraddaha iyo madaxtooyada oo ay haatan dhiso ku soconayaan.
Garad Salad Hersi
Press officer
Garowe, Somalia