Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisii oo si weyn loogu soo dhoweeyay Garoowe.[Daawomasawirada]

March 9, 2013 - Written by
IMG_3118_(2)Garoowe:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo ka kooban xubnaha labada gole ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaaroowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland. Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey mas’uuliyiinta maamulka Puntland, uuna ugu horeeyo madaxweynaha Mudane C/raxmaan Faroole, Madaxweyne kuxigeenkiisa Mudane C/samad Shire, waxaana munaasabad qado ah loogu sameeyey xarunta madaxtooyada Puntland.
Ra’iisal Wasaare Saacid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay  soo dhoweynta diiran ee shacabka Reer Puntland gaar ahaana kuwa Garoowe ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ammaan gaar ah u jeediyay dadweynaha oo uu sheegay inay indhiiisa qabanayeen rag iyo dumarba iyaga oo wadada safan isla markaana si farxadi ku dheehantahay u soo dhoweynayay, taasoo buu yiri ka tarjumeysa sida shacabka reer Garoowe ugu heelan yihiin dowladdooda Federaalka ee Soomaaliya.

no images were found

“Waxaan idiin cadeynayaa in dowladu ay diyaar idiinla tahay taageero kasta oo ay shacabku u baahan yihiin inay la garab istaagto dadweynaha reer Puntland” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dareenka dadka ay muujiyeen uu tilmaan u yahay taageeradooda. Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in inta ay joogaan magaaladan Garoowe ay wadahadalo la yeelan doonaan madaxda maamulka Puntland ayna kala hadli doonaan sidii iskaashi iyo wadashaqeyn adag ay u yeelan lahaayeen labada dhinac, wuxuuna tibaaxay in gaarista maamulada, iyo gobolada ay muhiimad weyn siinayaan maadaama ay dowladdu dhaqangelineyso nidaamka Federaalka.
Dhanka kale, madaxweynaha Puntland Mudane Faroole ayaa ka mahadceliyay booqashada wafdiga, wuxuuna xusay in maamulkiisu uu qeyb ka yahay dowladda federaalka Soomaaliyeed isla markaana dhismaha iyo ka gudbida marxaladdii kumeelgaarka uu udub dhexaad u ahaa maamulkiisu, maadaama shirarkii ugu muhiimsanaa lagu qabtay magaalada Garoowe.
Garad Salad Hersi
Press officer
Garowe, Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online