Ra’iisul wasaaraha DFS, Cabdi Faarax Shirdoon oo beri la filayo in uu yimaado Kismaayo

March 25, 2013 - Written by

saacid1Kismaayo:-Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la filayey in ay maanta soo gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo arrinkaas ay ugu wacan tahay in Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu safar ku aaday  Dalka Qatar halka guddoomiyaha baarlamaanka DFS  Jawaari uu ka maqan yahay magaalada Muqdisho isagoo maalin ka hor safar shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa la filayaa in maalinta beri ah uu safar ku yimaado magaalada Kismaayo isagoo kulamo la qaadan doono maamulka ku meel gaarka ah iyo odayaasha dhaqanka ee shirka maamul u samaynta uu uga socdo magaalada Kismaayo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in wafdi wasiiro ah oo shalay gaaray magaalada Kismaayo aysan wax kulan la yeelan maamulka ku meel gaar ka ah ee Kismaayo arrin kaas oo uu wax kama jiraan ku tilmaamay Afhayeenka  maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo ee Cabdinaasir Seeraar.

Afhayeenka  maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo ee Cabdinaasir Seeraar ayaa waraysi uu siiyey VOA sheegay in wasiirada soo gaaray Kismaayo ay kulamo la yeesheen oo gudiyo farsamo oo u gogol xaara imaanshaha Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid howshuna wax ay u socotaa si wanaagsan.

Afhayeenka  maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo ee Cabdinaasir Seeraar ayaa sidoo kale sheegay in wararka iyo dilalka ka dhacay Kismaayo  ay tahay wax la buun buuninayo oo waxba aysan ka jirin amniga magaalada Kismaayana waxaa uu ku sheegay mid sugan oo ka wanaagsan meelo badan.

Cabdi Yare
Halgan.net

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online