Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo booqday Xarunta Golaha Baarlamaanka ee Puntlland

March 10, 2013 - Written by

DSC05129Garoowe:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo waftigii uu hogaaminayey oo maalintii labaad booqasho ku joogo maamul gobleedka Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu booqasho ku soo kala bixiyey xarumo kala duwan, sida Wasaaradaha Cadaaladda, Caafimaadka, Xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo Madax tooyada cusub oo dhismaheedu marayo heer gaba gabo ah.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, isagoona aad uga hadlay Ahmiyada ay leedahay wada jirka iyo midnimadda Soomaaliya, isagoona xusay in loo baahan yahay in wax kasta oo walaac laga muujiyo loo xaliyo si hoose.

no images were found

Intii uu ku guda jiray khudbadiisa Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo hadal qaaday arimaha Federaalka isagoona tilmaamay in Puntland ay mudan tahay in looga daydo sida ay u xasiliso arimaheeda gudaha iyo sidii ay udub dhexaad ugu noqon lahayd sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa nidaam ku salaysan federaalisam, Puntland dhankeedana looga baahan yahay in ay muujiso sidii Soomaaliyada cusub ugu noqon lahayd tusaale fiican marka laga hadlayo arimaha maamul wanaaga.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ku aamany Maamulka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhabar adaygeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa KMG. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay cunaqabtayta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, wuxuuna yiri.”Guul ayeey u tahay dhamaan umadda Soomaali yeed, hadiise ay jiraan dad ka qaba walaac, waxaan u cadaynaynaa in siyaasada dowladu ay tahay in hubkaas shacabka Soomaaliyeed looga difaaco cadowga laguna ilaaliyo qaranimada Soomaaliya.”

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay ku dadaalan sidii ay uga miro dhalin lahaayeen siyaasada ku dhisan dimuqraadiyada, loona baahan yahay in la muujiyo dulqaad waqtiga loo gudbayo dhismaha maamul ay dadku soo doortaan, ayna muhiim tahay in lagu xaliyo khilaaf kasta oo yimaada wada hadal.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Madaxweynaha Dowllada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud  Faroole iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdi Zamad Cali Shire ayaa booqasho socod ah ku soo kala bixiyeye qaar ka mid ah wasaaradaha maamulka Puntland iyo Xarumo ay ka mid tahay madaxtooyada cusub ee puntland oo dhisme balaaran ka socdo.

Halkaan ka akhriso Khudbadii_rai_iisul_Wasaaraha uu ka jeediyey Baarlamaanka Puntlland

—DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM
Garoowe, Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online