Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Saaka Booqday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho .

March 16, 2013 - Written by

Picture-524Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa saaka kormeer shaqo ku tagay Xabsiga Dhexe oo maalmahaan ay ka soo wajeheen duruufo dhanka caafimaadka iyo nolosha la xariira.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa ah mid dhisnaa mudo ku dhow boqol sano, mana jirin wax dayactir ah oo uu helay 22 sano ee u danbaysay, waxaana hada ku jira xabsiga maxaabiis gaaraysa 1,072 maxbuus oo u xiran danbiyo kala duwan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Abyan Nuur ayaa ka warbixiyey duruufaha ka jira xabsiga dhexe.

“ Waxaa xabsiga haysta duruufo aan la soo koobi karin, waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, ilaa iyo hada waxa u dhintay labo qof halka 38 qof oo kale uu soo ritay cudurkun, waxaa la siiyey dawooyin oo hada xaalkoodu waa ka soo raynayaa. Waxaa arimahaas sabab u ah nadaafad daro iyo musqulaha oo aan ku filnayn maxaabiista. Wasaarada caafimaadku waxay ka gaystay gacan weyn sidii loo xakamayn lahaa shuban biyoodka, waxayna soo dirtay dawooyin iyo dhaqaatiir” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray in biyo nadiif ah loo helo maxaabiista ay door muhiim ah ka qaadan karto nolosha boqolaalka maxbuus ee ku jira xabsigan.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay duruufaha xabsiga mid aad looga naxo, dowladiisuna ay dadaal ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa.

no images were found

“Waxaa dawladda ka go’an inay wax ka qabato duruufaha ay ku sugan yihiin maxaabiista,waxay dawladdu u samaysay gurmad deg deg ah dadkii uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka, maahan mid xabsiga kaliya ku eg cudurkaan, waxaa kale oo laga soo sheegay magaalooyinka Baladweyn, Jowhar iyo Baraawe” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in aysan dawladdu ku eeganayn xaaladaan adag maxaabiista, wixii awoodeeda ka sareeyana ay la kaashan doonto caalamka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa indha indhayn ku soo sameeyey qolalka ay ku xiran yihiin maxaabiistu, iyo goobaha loogu kariyo cuntada, wuxuuna balan qaaday in ay dawladdu ku dadaalayso sidii loo howl galin lahaa xabsiyo hor leh, si culayska looga qaado xabsiga dhexe.

->—–DHAMAAD—<-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director .
Office of the Prime Minister

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online