Ra’iisul Wasaaraha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo la filayo in uu gaaro Kismaayo

March 26, 2013 - Written by

diyaaradRa’iisul Wasaaraha JFS Cabdi Faarax Shirdoon  iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in uu dhawaan u Ambabaxo magaalada  Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana socdaalkiisa ku weheliya masuuliin ka tirsan DFS.

Ra’iisul Wasaaraha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan waxgaradka ,Salaadiinta iyo Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo oo uu madaxda u yahay Sheekh Ahmed Madoobe .

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa saaka aad loo adkeeyey waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo raxan raxan u socda ciidamada DFS iyo kuwa Raaskambooni oo taageero ka helaya ciidamada dalka Kenya  oo qeybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo waramaya in maanta magaalada Kismaayo ay tahay Bandow lana xiray dhamaan khadadkii isgaadhsiinta ee magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filyaa in ay soo gaaraan magaalada Kismaayo saacadaha soo socda sida ay saraakiisha Maamulka magaalada Kismaayo u sheegeen warbaahinta ka howlgasha gudaha magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online