Ra’iisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo Kismaayo ku sii jeeda.

March 21, 2013 - Written by

shirdoonKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka j/hoose ayaa sheegay in  Ra’iisulwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) in uu safar gaaban ku imaan doono  magaalada Kismaayo  maalinta sabtiga ee soo socda .

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisulwasaaraha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelin doona qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka DFS waxaana uu kulan la qaadan doonaa  maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo ,odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubooyinka iyo gudiga gaarka ah ee loo xil saaray in ay soo dhisaan maamul goboleedka Juballand State.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisulwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa la filayaa in ay soo raaci doonaan xilidhibaano ka soo jeeda goblada Jubooyinka iyo Gedo.

Dhinac kale waxaa maanta si rasmi ah u bilowday shirkii maamul u samaynta  gobolada Jubooyinka iyo Gedo iyadoo dhamaan ergooyinka iyo odayaasha dhaqanku ay ku sugan yihiin xarunta shirka uu ka socdo ee jaamacada magaalada Kismaayo.

Cabdi  Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online