Raisulwasaaraha DFS oo booqaday xarumaha dowlada Puntland ee Garoowe (Masawiro)

March 10, 2013 - Written by

1Garoowe:-Ra’isal wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha dowlada Puntland ee ku yaal magaalada Garoowe waxaana kormeerka ku weheliyey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole ,ku xigeenka Madaxweynaha Gen. Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ,xildhibaano ka tirsan DFS iyo Puntland

Raisulwasaaraha DFS ayaa waxaa uu booqday Aqalka Barlamanka Puntland oo uu ka socday kulan ay lahaayeen xubnaha Baarlamaanka Puntland waxaana halkaas Khudbad ka jeediyey Ra’isal wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ iyo madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole oo khudbad ka jeediyey golaha baarlamaanka Puntland ayaa warbixin kooban siiyey Raisulwasaaraha DFS iyo wafdiga la socda wuxuuna uga waramay xaalada amaan ee Puntland iyo tan siyaasadeed gaar ahaan axsaabta ka hirgashay Puntland .

no images were found

Ra’isal wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ayaa waxaa uu waramay  xaalada siyaasadeed dalka,horumarka ka jira deegaanada Puntland iyo guud ahaan iyo guulaha ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab

Ra’isal wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ayaa waxaa uu sidoo kale booqday Dhisma yaasha wasaaradaha kala duwan ee Puntland ,xarunta Tv-ga iyo Idaacada Puntland ,xarunta Madaxtooyada,xarunta taliska Asluubta.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online