Raisulwasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmada Caabudwaaq

March 5, 2013 - Written by

saacid1Galgaduud:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo saaka safarka dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa markii ay magaalada soo gaareen si weyn loogu soo dhoweeyey Barxadda Saldhigga degmada halkaasoo ay isugu soo banaanbaxeen kumanaankun oo dadweynaha magaalada iyo hareeraheeda. Iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin (Soo dhowaada Jaalayaal).

Ra’iisal Wasaaraha oo dadweynaha la hadlay ayaa aad ugu ammaanay sida ay isu xil qaameen shacabka reer Caabudwaaq, una soo dhoweeyeen wafdiga dowladda ee u kuurgalaya xaaladda gobolada dalka, gaar ahaana gobolada dhexe.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa  yiri “Dowladda Soomaaliyeed kuma eka Muqdisho oo kaliya, waxayna u kuurgaleysaa dhamaamba xaaladda gobolada dalka Soomaaliyeed, waana sii wadeynaa kormeerkan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in soo dhoweyntan ay tusineyso sida shacabka Caabudwaaq u taageersan yihiin dowladdooda.

“Waxaan idiin cadeynayaa in kaalinta dowladda aad ku leedihiin aanu diyaar idiinla nahay, adinkana waxaan idinka sugeynaa kaalinta ay dowladdu idinku leedahay inaad dhameystirtaan” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahadceliyay dadka degmada sida ay isaga difaaceen kooxaha nabadiidka ah.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa kula dardaarmay shacabka reer Caabudwaaq inay nabadda iyo is dhexgalka ka shaqeeyaan, wuxuuna si gaar ah ugula dardaarmay inay nabad kula noolaadaan degmooyinka iyo gobolada deriska la ah. taasoo buu yiri keeni karta nabada oo horumarta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u balan qaaday in dowladdu ku taageeri doonto degmada iyo gobolkaba sidii ay u yagleeli lahaayeen maamul gobol oo ku waafaqsan Dastuurka.

Ugu dambeyntiina Ra”iisal Wasaaraha ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka, iyo kan degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardayda iyo dhamaan bulshada degmada, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Walaalaha Jabuuti oo qeyb libaaxleh ka qaatay sugidda amniga gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Garad Salad Hersi
Press officer
Cabudwaq, Galgaduud

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online