Raisulwasaare Saacid oo si weyn loogu soo dhaweeyey Galmudug (Masawiro)

March 11, 2013 - Written by

IMG_3756Gaalkacyo:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa galabta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana garoonka Gaalkacyo ku soo dhoweeyey mas’uuliyiinta maamulka Galmudug State oo uu horkacayo madaxweynaha Maamulka Mudane Cabdi Xasan Cawaale iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweynta kadib, loo galbiyay dhanka xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug, halkaasoo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u tiro badan kuwaasoo sitay sawirada Ra’iisal Wasaaraha, kuna qeylinayay soo dhowoow R.wasaare, waxaana sidoo kale, goobta ku sugnaa xubnaha labada gole ee maamulka Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha oo la hadlay dadweynaha reer Gaalkacyo ayaa ku ammaanay soo dhoweynta iyo dulqaadka saacadaha badan cadceeda ay u taagnaayeen soo dhoweynta wafdiga Dowladda ee ka soo kicitimay magaalada Garoowe oo ay labadii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaayeen.

“Runtii waxaad tihiin shacab aad daacad u ah, una ooman Dowlad-nimo, sida shucuurtiina ka muuqata, waana ka cudur daaraneynaa xoogaagii aan idinka soo dib dhacnay, howlo Qaran owgood” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in isaga iyo wafdigiisu ay u yimaadeen degaanada maamulka Galmudug, sidii ay ugala qeyb qaadan lahaayeen dadweynaha horumarinta Galmudug, maadaama ay yihiin shacab isku tashaday bilow wanaagsana muujiyay.

no images were found

Madaxweynaha Maamulka Galmudug State Mudane Qeybdiid oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisal Wasaaruhu horkacayo ee ay ku jiraan Wasiirada iyo xubnaha xildhibaanada ah ay gelisay kalsooni booqashadooda, wuxuuna xusay inay ka filayaan inay la hadlaan ayna natiijo wanaagsan ka soo baxdo.

Ugu dambeyntiina, wafdiga ayaa loo galbiyay goobihii ay degi lahaayeen, waxaana maalinta berri ah bilaaban doona kulamo gooni gooni ah kuwaasoo looga arrinsanayo sidii iskaashiga iyo wax wada qabsi uu u dhex mari lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Booqashadan ayaa waxay qeyb ka tahay booqasho todobaadkii ugu dambeeyay uu Ra’iisal Wasaaruhu ku kala bixiyay gobolada dalka, sida Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Cadaado, Garoowe iyo Gaalkacyo, asagoo heshiisyo rasmi ah kula soo kala saxiixday maamulada degaanadaasi.

Garad Salad Hersi
Press officer
Galkacyo, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online