Sh Daahir Aw- Cabdi oo ugu baaqay Al-Shabaab in ay towbad keenaan haddii kale ay baabi doonaa.[Dhagayso]

March 9, 2013 - Written by

Gabagabada (25)Boosaaso:-Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyey Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso Nadwo cilmiyeed diini ah oo socotay mudo 4 maalood ah waxaan ka soo qayb galay culimo iyo ducaad kale duwan. Nadwada ayaa afartii maalmood ee la soo dhaafay waxaa looga hadlayey xadgudubka diineed  sababaha keena, raadkiisa  iyo waxyaabaha ka dhashay xadgudubka diineed ee ay la soo baxeen kooxda al-shabaab.

Xalay oo ahayd habeenkii u danbaysay Nadwada ayaa waxaa Masjidka aad u soo buux dhaafiyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso iyagoo aad u dhagaysanayey dardaaranka culimada iyo towjiihaadka ay bixinayeen. Culimadii xalay kalimaadka dardaarnka ka jeedisay Masjidka ayaa waxaa ka mid ahaa Sh daahir Aw-cabdi oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka soomaaliya dadka Soomaaliyeedna inta badan ay aad u yaqaaniin.

Sh Daahir Aw cabdi ayaa waxaa uu ka sheekeeyey Xadgudubka diineed ee ay la yimaadeen kooxda Al-shabaab iyagoo gaaray in culimadii waaweynada ee dalka Soomaaliya in ay dilaan isagoo tusaale u soo qaatay Culimadii ay in badan ka soo wada shaqaynayeen fidinta diinta iyo Towxiidka ee sidda Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan  iyo Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ay dileen kooxda Al-shabaab ee uu madaxda u yahay Axmed Cabdi Godane.[nggallery id=434]

 Sh Daahir Aw Cabdi ayaa xusay in ay yihiin kuwa lumay kuwa u malaynaya in culimo la dilo ay diinta ku istaagayso ama culimadu ay ka baqayaan in ay xaqa sheegaan iyo falalka guracan oo ay kooxda Al-shabaab ay ku laynayaan haldoorka Soomaaliyeed ee ay ugu horeeyaan culimada. Sh Daahir ayaa ka sheekeeyey kooxihii Islaamka laayey  sidda Kooxdii Tataarka, Faadumiyiintii, Muctasiladii iyo halkii ay ku danbeeyey markii danbe uu alle soo saaray dad ka difaaca diinta iyagiina laayey, Shiikh Daahir Aw- Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay in maanta markii la iskugu soo dhigtay goobihii cibaadad ay ducaadii iyo culimadii ku mashquulsanaa u adeega bulshada iyo nolol maalmoodkooda sida ganacsigooda ay hadda hubkii qaateen  oo rag badan oo hubaysan ay maanta joogaan Masjidka Rowda taasna waxaa sabab u ah ayuu yiiri Kooxda Al-shabaab ee xadgudbay.

Ugu danbayntii ayaa Shiikh Daahir Aw-cabdi waxaa uu sheegay in aysan Boosaaso aysan ku noolayn dad gaalo ah ama diinta ka baxay balse ay dadku yihiin dad muslimiin ah oo Soomaaliyeed wax Masaajido iyo Macaahido Islaamka lagu bartana loo jeedo kuwa ku sheegay Boosaaso iyo magaalooyinka kale in ay ku nool yihiin dad gaalo ah ay yihiin kuwa lumay oo Takfiir oo salka la galaysa Khawaarij.

Hoos Ka dhagayso dardaarankii Sh Daahir Aw- cabdi Allaha dhowree.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/cj94az5ez4/dardaaransh_daahirawcabdi.mp3″]

Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari o ka mid ah culumadii ka qeyb gashay Nadwadii lagu qabtay Masjidka Al-Rowada ayaa  kalimad dardaaran ah u jeediyey dadweynihii ka soo qeybgalay Nadwada iyo umada Soomaaliyeed wuxuuna ugu baaqay mrka hore alle ka cabsi iyo in dadku ay aad u badsadaan cibaadada wuxuuna Sheekhu Sheegay in wakhti fitno lagu jiro.

Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari ayaa waxaa uu ka hadlay inxiraafka iyo quluwiga Al-Shabaab oo gaaray meeshii ugu sareysay markii ay ku dileen Puntland labadii Sheekh ee ugu qiimaha badnaa iyaga oo cibaado gudanaya gaar ahaan Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo la dilay isaga oo salaad casar ku jiray .

Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari ayaa culumada iyo dadweynaha ugu baaqay in aysan ka cabsan hanjabaada Ururka Al-Shabaab wuxuuna ugu baaqay in ay xaqa cadeeyaan ayna garab istaagaan.

Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari ayaa ugu baaqay kuwa u heystay in ay diin wadaan kuwa dilay Sheekh C/qaadir Nuur iyo Sheekh Dr Ahmed Xaaji in ay alle u laabtaan ayna ogaadaan in aysan kuwaas xaq iyo diin midna wadin.

Hoos Ka Dhageyso Dardaarankii Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari uu ka jeediyey Masjidka Al-rowada

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/pl285oqn2m/sh_bukhaari.mp3″]

Sidoo kale Sh Axmed Cabdisamad oo isagana dardaaran kooban oo uu jeediyey waxaa uu sheegay in culimada duulaan lagu yahay ayna waajib tahay in lagu daydo qaabkii uu u dardaarmay intii aan la dilin Sh Cabduqaadir Nuur Faarax , Sh Axmed Cabdisamad ayaa xusay in dardaarnka culimada aysan ahayn cabsi laga baqayo geeri oo qof walba uu dhimanayo balse ay tahay arrin sharci ah.

Sh Axmed Cabdisamad ayaa kula dardaarmay qaar wax uun diin ah ka garanay oo u ah lahaystayaal kooxda Al-shabaab in ay alle u laabtaan oo ay ka fogaadaan ka been sheegida wax ay xaqiiq u og yihiin iyadoo ay arrinkaas ugu wacan tahay aduunyo, cabsi , Sh Axmed Cabdisamad ayaa sheegay in ay jiraan rag la jooga kooxda Al-shabaa oo markii ay culimada ay soo wacaan ay sheegayaan wax jira ee dhabta ah iyo xaqiiq da ururka Al-shabaab haddana aad arkayso iyagoo tabriirinaya khaladaadka iyo xadgudubka diineed ee kooxda al-shabaab  oo ay kow ka tahay dilka loo geysanayo qaraxyada, culimada , iyo haldoorkii bulshada Soomaaliyeed. Sh Axmed Cabdisamad oo aan magacaabin raggaas ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in haddii aysan ka waantoobin wax ay fara kula jiraan ay waajib tahay in culimadu ay bayaaniso khaladaadkood iyadoo la sheegayo magacyadooda.

Hoos Ka Dhageyso Dardaarankii Sh. Axmed Cabdisamad uu ka jeediyey Masjidka Al-rowada[dhawaan filo]

Halgan.net

Leave a comment

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online