Sh.Umal oo kalimad wacdi ah ka jeediyey Masjidka Al-Firdow ee magaalada Nairobi.[Dhagayso]
March 14, 2013 - Written by
Nairobi:-Waxaa caawa kalimada kooban oo wacdi ah oo qiimo badan ka jeediyey salaadii cishe ka dib Masjidka Al-Firdow ee xaafada islii Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi. Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu kalimadiisii wacdiga ahayd uu uga hadlay Dariiqooyinka uu alle u jeexay in la maro ama loo maro dacwada gudashadeeda isagoo Shiikhu uu tusaalooyin u soo qaatay inta cishe ee uu Alle ku abuuray aduunka , qaabkii Dacwadeed ee uu Nabigeena Mohamed Nabad gelyo iyo naxriis korkiisa ha ahaatee uu u maray fidinta diinta Islaamka oo ahayd dhowr marxaladood oo kale duwan.
Sheekh Umal ayaa waxaa uu kula dardaarmay dhalinyarada da’da yar in ay bartaan diinta islaamka ayna ka faa’iidaystaan dadka waaweyn ee aqoonta iyo khibrada u leh waqtigii dheeraa ee ay dacwada ku soo jireen isagoo ku tirtirsiiyey dhalinyaradu ay digtoonaadaan deg deg iyo fudaydku ay ku jabeen kooxo badan oo isku dayey in ay xoog ku dhaliyaan dowladda islaaam iyagoo aysan umadu u diyaar noqon weli amase aysan la socon kooxahaas.
Kooxo iyo Jamaacaad islaami ah oo ka kacay Masar, Tuunis, Suuriya ,iyo Jazaa’r ayaa isku dayey in ay xoog wax ku bedelaan iyagoo ka booday dariiqii uu Nabigeena Mohmed Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu u maray in mujtamac la bedelo ama dowllada la dhiso taas oo markii danbe ku dhamaatay burbur iyo fashil.
Hoos Ka Dhageyso Kalimadii Sh Umal ka jeediyey Masjidka Al-Firdow ee magaalada Nairobi
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/xxp00l25n4/kalmadu_waa_sunooyinka_alle_uu_leeyahay.mp3″] ama halkan MP3
Yaasiin Cabdi Axmed
Nairobi, Halgan.net

.gif)

