Sh.Umal oo kalimad wacdi ah ka jeediyey Masjidka Al-Firdow ee magaalada Nairobi.[Dhagayso]

March 14, 2013 - Written by

Sheekh-UmalNairobi:-Waxaa caawa kalimada kooban oo wacdi ah oo qiimo badan ka jeediyey salaadii cishe ka dib Masjidka Al-Firdow ee xaafada islii Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi. Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu kalimadiisii wacdiga ahayd uu uga hadlay Dariiqooyinka uu alle u jeexay in la maro ama loo maro dacwada gudashadeeda isagoo Shiikhu uu tusaalooyin u soo qaatay inta cishe ee uu Alle ku abuuray aduunka , qaabkii Dacwadeed ee uu Nabigeena Mohamed Nabad gelyo iyo naxriis korkiisa ha ahaatee uu u maray fidinta diinta Islaamka oo ahayd dhowr marxaladood oo kale duwan.

Sheekh Umal ayaa waxaa uu kula dardaarmay dhalinyarada da’da yar in ay bartaan diinta islaamka ayna ka faa’iidaystaan dadka waaweyn ee aqoonta iyo khibrada u leh waqtigii dheeraa ee ay dacwada ku soo jireen isagoo ku tirtirsiiyey dhalinyaradu ay digtoonaadaan deg deg iyo fudaydku ay ku jabeen kooxo badan oo isku dayey in ay xoog ku dhaliyaan dowladda islaaam iyagoo aysan umadu u diyaar noqon weli amase aysan la socon kooxahaas.

Kooxo iyo Jamaacaad islaami ah oo ka kacay Masar, Tuunis, Suuriya ,iyo Jazaa’r ayaa isku dayey in ay xoog wax ku bedelaan iyagoo ka booday dariiqii uu Nabigeena Mohmed Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu u maray in mujtamac la bedelo ama dowllada la dhiso taas oo markii danbe ku dhamaatay burbur iyo fashil.

Hoos Ka Dhageyso Kalimadii Sh Umal ka jeediyey Masjidka Al-Firdow ee magaalada Nairobi

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/xxp00l25n4/kalmadu_waa_sunooyinka_alle_uu_leeyahay.mp3″] ama halkan MP3

Yaasiin Cabdi Axmed
Nairobi, Halgan.net

6 Comments so far

Leave a comment

  1. masha allah ilaahay haka abaal mariyo shikheena fadliga badan anagana allah hanaga dhigo kuwii kuwaana qaata aamiin aamin

  2. jazaakumulaahu khayraaaaaaaaaaa sh. med abdi umal ilaahay haku xifdiyo adiga iyo amthaashaaduba anagana ilaahay hanagu anfoco qiimo badanaa maxaadarada oo wanaag badanaa kalimada ilaahow nabad baadi meel adag baa lamarayaa shayaadiin shabaabna ilaahay ha kaqabto umada muslimka ah

  3. waxaan jeclahay in aan sheekh maxamed cabdi umal iyo culimada khayrka qabta in aan kusoo dhaweeyo puntland gaar ahaan masjidka weyn ee al rowda bosaso ilaah haxifdiyo culimada dacwada fiiro gaara waxaan dhalinta iyo dhamaan umada somaliyeed ugubaaqayaa in ay ilaashaan culimadooda iyo diintooda

  4. jazaakallah akhuunaa wa sheekhanaa FAADİL sh umal الله يحفطك وان يجعل الله دخرا للاسلام وللمسلمين………وان يجعل الله مع النبيين والصديقين والشهداء…………………….اااااااااااااااامين…………

  5. farxiyo sh umal jazaakalaah diinta islaamkana allaha quweeyo aamiin

  6. jazaakumu laah kher sh maxamad

Leave a comment

*