Halgan.net oo dib hawada ugu soo laabtay iyo Mahadcelin ku socota Mareegaha Soomaaliyeed

March 30, 2013 - Written by Editor

ogeysiisLondon:Waxaa la ogeysiineynaa dhamaaan akhristayaasha Mareegta Halgan.net in aan dib ugu soo laabanay hawada inagoo akhristayaasha u soo gudbin doono haddii alle idmo qoladii webka warka beenta ah ku qortay Ip-addreskooda iyo dalka ay joogaan inagoo si gaar ah ugu gudbin doono hay’addaha ay arrimahaan khuseeyaan , Howlwadeenada Halgan.net ayaa ilaa hadda haya macluumaad fiican markii ay arrimahaas ay soo dhamaystirmaan baan u soo gudbin doonaa akhristayaasha Halgan.net. waxaa kale oo akhristayaasha tusi doonaa macluumaad ku saabsan, serverada ay is ticmaalaan webabka beenta faafiya haddii alle idmo.

 

Waxaa u mahadcelinaynaa mareegaha Soomaaliyeed ee iyagana ka qabqaatay in been abuurka la faafiyey ay ka shaafiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku xiran webabkood
waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa mareegaha kala ah.

  1. Puntllandi.com
  2. Puntllandpost.com
  3. Somalireal.com
  4. Somalimirror.com
  5. Allidamaale.com
  6. Dunidaonline.com
  7. Puntlland24.com
  8. allgaalkacyo.com
  9. alkhilaafah.com

iyo dhamaan mareegaha soomaaliyeed ee u taagan in ay dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheeda  ay ka haqabtiraan in ay u soo gudbiyaan warar ku saabsan dalka Soomaaliya iyo caalamka.

 

Maamulka Halgan.net

11 Comments so far

Leave a comment

  1. ascwrwb allah haydin barakeeyo walaalaha halgan.net iyo inta jecel oo akhrida inta kalena allah hasoo hanuuniyo haduu hanuun u qoray hadii kalena allah umada haka qabto shaqo wanaagsan baad haysaan iyo hadal hufan oo run ah samra waad guulaysanaysaane

    HALGAN NET WAA HOOYO HADALKEEDU WAA MID SUGAN ,CADAWGA DIINTEENA HELAY BAY HORTAAGAN TAHAY ,OO HABEEN IYO MAALIN CULIMAY U HIILIYAAN ,ALLAA KU HANUUNSHAY TUBTA AY HIGSANAHAYAAN ,EE ALLOW HAGARDAAMO SHAYDAAN HABKIIS KA DHOOWR AAAMIIN.

  2. ASCWWR walaalayaal waa alle mahadii waxkastaa waa alle mahadii goorwalbaa iyo meel walbaa waan idinlajirnaa halganay.

  3. waa arin xaq ah in ladifaaco sharafa culimada. qolyahan culimada caynaya waxan allah ka baryaa in xaqa usoo ciliyo. umadan ilahey hamideeyo cadawgeedana allah hafahamsiiyo iyaga ayaaba isku mashquulay.

  4. asc wr wb, Rabi ayaa mahad iska leh mar iyo goor kastaba, aadbaan uGu faraxsanahay inaad noo soo laabataan oo aad kheyrkii halkii ka sii wadaan. walaalayaal yaanan intaa lagu deyn kuwa danbiga galay oo jabsaday website-ka balse waa in sharciga lala tiigsadaa mujrimiinta naf lacaariga ah ee badweynta ku sii hafanaya.

  5. masha allaaah

  6. Assalaamu Calaykum W/W

    Maashallaah waa ALLAAH mahadii hadaad hawada ku soo noqoateen,
    waxaan kaloo idiinku hambalyaynayaa guusha aad gaarteen mar hadii yar yarkii ay waayeen meel ay warka marsiiyaan aan wadadiina ahayn oo intaas ayaa saxaafada markii la fiirshu GUUL WAYN AH,
    waana gartood ee isaga dul qaata markii hore ayay xisaab la,aan webkooda been ku harqiyeen ka dibna dadkii ayaa ka cararay oo wax gala ama wax ka dhagaysta ayay waayeen, marka adiga haday kuu shidantahay in dabka lagaa qaato isaga dul qaado waa wiilasheenii oo bagu caasiyaye,
    ALLAAH swt ayaan waydiisanayana inuu soo hanuuniyo,
    wassalaamu Calaykum W/W

  7. alxamdulilaah waa ilaah mahadii, taas waxay muujinaysaa heerka naf la caariga ah ee ay ku suganyihiin nimankaas

  8. Alaah baa mahad leh inuu soo ciliyey waan ka naxnay markaan aragna in tuugo hashay maashaa Allaah

  9. Maanshallaah waa arin aad loogu farxo in halgan.net hawada ku soo laabato,
    burcadkii internetka xadgudubkoodii kadib.

    Nimanka anshax xumadaas sameeyay waa rag ka xun wanaaga iyo dacwada halgan.net umma Somaliyeed u hayso. Ayagana caydii iyo aflagaadadii ay Culimada Somaliyeed ku hayeen, cidna dhag u dhigi wayday.

    Shaqada fiican aad noo haysaan hadaan nahay shacabka Allah miisaankiinna xasanaadka ha idinku daro. sharda shar wadayaashana allah ha idinka xifdiyo nooc kasta ay ahaataba.

  10. maashaa alaah ilaahay ha idin xafido walaalah halgan net gacanta ku haya ilaah ha idin barakeeyo anagana sidoo kale cadowga ilaahay hanaga ee caadaystay culimada caydooda iyo sharta ay la damacsan yihiin diinteena suuban ee aan ka dhaxalnay nabigeena muxamed scw

  11. alxmd ilaah ayaa mahada iska leh kuwa xaasidiinta shaxiixiinta ah ilaah shartooda haku celiyo koley dadki culimada caydooda u bareeray iyo inee masaajida ku dilaan wanaag lagama sugayo idinkana qeyrka ad so gudbisaan ilaah ajar ha idinka siiyo aamiin

Leave a comment

*