Sheega shooyinka Al-shabaab iyo Ficilkooda is khilaafsan W/Q C/raxmaan Aw Ciise Muuse

March 10, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Ururka Al-shabaab wuxuu horay umadda soomaaliyeed ugu sheegay in ay diinta ilaahay u gar gaarayaan oo ku dhaqankii shareecada soo celinayaan, taasoo dad badani run moodeen, soona dhoweeyeen, maadaamaa dadka soomaaliyeed yihiin dadm muslim ah oo diin jecel, hase ahaatee nin waliba wixii uu cuno ayuu daacaye ururku wixii uu dadka u sheegay dhalin yaro bandanna ku hawl geliyey run waa noqon wayday, wuxuuna la soo baxay wixii uu qarsanayey ee uu ku taamayey maalin uun inuu gaaro, waxayna lasoo baxeen tabahakan.

 

  1. Waxay sabab u noqdeen in dalka cidamo shisheeye soo galaan, misna ay difaaci waayaan fariisin walbana ay ka cararaan markii Amisom ku soo dhowaato.
  2. Waxay been ka sheegeen jihaadkii iyo ujeeddooyinkii loo tashriiciyey.
  3. Waxay dil iyo qarax ku bilaabeen umaddii muslimka ahayd ee la rabay in ay difaacaan iyagoo maalinba bulshada  marba qayb laynayey ugu dammayntiina laayey Culumadii ugu mudnayd waddanka, halkii ay ahayd in ay gaalada la dagaalamaan sidii ay markii horeba innoo sheegeen.
  4. Waxay masaajidda ka dhigeen meel laga cabsado oo jamaacaadkii la imaan waayo.
  5. Waxaa mar walba daliil iyo xujo u ah handadaad, caga juglayn iyo waan ku dilaynaa markii ay xujo diimeed waayeen, waana sida lagu yaqaan dadka ahlul baadilka ah.

Isu fiiri sheegashadoodii hore iyo ficillada ay samaynayaan mays leeyihiin mise way is khilaaf san yihiin? Qofku wax wanaagsan wuu sheegan karaa laakiin qofna ficilkiisa urumeeya qofna ficilkiisa beeniya, dhegeyso markay warbaahinta ka hadlayaan hadalkoodu fiicanaa!! Diintaan difaacaynaa, islaamkaan u hiilinaynaa, shareecadaan dalka ku dhaqaynaa.

Ficilkoodana fiiri: muslimka oo la dilo, la qarxiyo, diinta oo been laga sheego iyo masaajidda oo muslimka laga cayriyo, akhristow is waafaji adigu.

Halkaan ka akhriso sheegashooyinkii Ururka Al-Shabaab

W/Q: C/raxmaan Aw Ciise Muuse

 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online