Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi oo qarax lagu dilay dalka Suuriya(Masawiro)

March 21, 2013 - Written by

BuudiWarar ay faafiyeen Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ayaa waxaa lagu Sheegay in Qarax is miidaami ah lagu dilay Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi oo ka mid ahaa Culumada Suufiyada ee dalka Suuriya.

Qarax ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan waxaana uu qaraxu ka dhacay Masjidka Al-Iimaan gudahiisa  halkaas oo uu wax ka akhrin jiray Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi.

Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi ayaa waxaa uu aad u taageersanaa Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Asad wuxuuna aa uga soo horjeeday kooxaha Kacdoonka ka wada dalka Suuriya.

Mid ka mid ah Saraakiisha kacdoonka ee dalka Suuriya Muraad Shaami ayaa sheegay in qarax ay ka danbeeyaan laba qolo  kuwaas oo uu ku sheegay Jabhad Nusra ee Al-Qaacida iyo Mukhaabaraadka dalka Suuriya ee Shabiixa.[nggallery id=450]

Qaraxa lagu dilay Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi ayaa waxaa kale oo ku dhintay 42 qof halka dhaawaca uu sii dhaafay 84 ,sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jiray wiil uu awoowe u ahaa Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi.

Ilaa haatan ma jiraan cid Sheegtay qaraxa lagu dilay alaha u naxariistee Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi.Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi ayaa alifay in ka badan 60 Kitaab kuwaas oo kala duwan.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online