Taliyaha booliska suuqa Bakaaraha oo qarax ku dhaawacmay

March 21, 2013 - Written by

imagesMuqdisho:-War haatan naga soo gaaray magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha waxaana ka dhashay khaasro leh dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay sida aan ku helnay warar hordhac ah qofkii Is qarxiyey waxaana ku dhaawacmay taliyaha booliska qeybta suuqa Bakaaraha oo lagu magacaabo Sokor ,qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay  agagaarka saldhigga booliska ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ka dhacay galabta Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo dumar ah oo Shaah ku hor iibsada agagaarka saldhigga booliska ee suuqa Bakaaraha.

Taliyaha booliska qeybta suuqa Bakaaraha Sokor ayaa loola cararay xarumaha Caafimaadka si loo daweeyo .Ilaa haatan lama yaqaan inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca  taliyaha booliska qeybta suuqa Bakaaraha Sokor.

Wixii Faahfaahin ah dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online