Taliyaha ciidanka nabad-sugidda gobolka Banaadir oo beeniyey in uu dhaawacmay

March 18, 2013 - Written by

KhaliifMuqdisho:-Taliyaha ciidanka nabad-sugidda DFS ee gobolka  Banaadir Col.Khaliif Axmed Ereg ayaa beeniyay in uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax maanta lagu weeraray xili uu marayey  agagaaraha xarunta Ex-Fiyoore .Col.Khaliif Axmed Ereg ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoona Diyaaradaha ee Adan Cabdule.

Tv-ga STN ee ku hadla afka DFS ayaa soo daayey Muuqaalka Col.Khaliif Axmed Ereg wuxuuna sheegay in uu bad qabo wuxuuna mar kale ku celiyey in ciidana nabad-sugidda DFS ee gobolka  Banaadir ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab .

Taliyaha ciidanka nabad-sugidda DFS ee gobolka  Banaadir Col.Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu ku dhintay qaraxii maanta halka mid kale uu ku dhaawacmay ,wuxuuna ku eedeeyey Ururka Al-Shabaab in ay xasuuqday dad rayid ah oo saarnaa gaari Bl ah iyo kuwa wadada marayey .

Qaraxii maanta ka dhacay agagaarka xarunta Ex-Fiyoore ayaa waxaa ku dhintay 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale oo u badnaa dad rayid ah waxaana masuuliyada weerarka sheegtay Ururka Al-Shabaab waxayna sheegeen in ay saraakiil ku laayeen

Hoos ka Daawo Qaraxii Maanta Somali Channel Tv.

Ciidanka nabad-sugidda gobolka  Banaadir ayaa lagu eedeeyey in ay laayeen dhalinyaro lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab kuwaas oo qaar ka mid ah ku xirnaa saldhigyada DFS taas oo buuq siyaasadeed ka abuurtay masuuliinta DFS .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online