Talow maxaa lagu gaalaysiiyey Jamaacatul Ictisaam Bilkitaab Wasunnah W/Q Xudeyfa Raage

March 18, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Waxaan kaga soo hadalnay maqaalkan kii ka horeeyey jidka ay u qaadeen dadkii qiimaha badnaa(أهل السنة والجماعة أو السلف الصالح)masaaisha ay ku banaan tahay in lagu ijtihaado, Halkaan dib uga milicso maqaalkii hore. Maadaama aan soo ogaaney inaanay banaanayn in la isku gaalaysiiyo(في مسائل الإجتهاد ) waxaan qaybtaan ku qaadan doonaa- Insha-Allaah-mas,alo lagu takfiiriyey Jamaacatul ictisaami bil kitaabi wa sunnah, talow ma mas,alo ay ku muteen miyaa in lugu takfiiriyo mise waa arin lugu dhisay ismoodsiis iyo cadaawad aan geedna loogu soo gaban?.

Mas,alada lagu gaalaysiiyay jamaacada ma mid ay jeebkeeda kala timid miyaa mise waa mas,alo sal kuleh shareecada? Talow jamaacada wax uga horeeyey majiraa mas,aladan mise iyada umbaa bilowdey in lafatwoodo?su,aalahan jawaabahooda oo faahfaahsan ayaan maqaalkan ku qaadaa dhigidoona insha-Allaah.

Sida aad ogtihiin waxaa saaxada kusoo biirey Tayaar cusub oo u taagan inuu u nusreeyo fikirka Takfiirka ama Khawaarijta oo aan ahayn kii hore waxaana hogaanka u haya Sh Xassaan Xuseen Aadam (Abu salmaan ) halka uu hogaanka u hayo kii hore  Maxamuud Nuur , labada kooxood wax weyn kuma kale duwana  sida ay tilmaameen hogaamiyayaashooda xaga asalaynta mas,alada iyo dejinteeduba(من حيث التأصيل والتنزيل) .

Kooxdan cusub ee uu hogaaminayo Abu salmaan  ayaa waxay fatwootay inay yihiin murtadiin islaanimadana aan shaqo ku lahayn  Jamaacatul ictisaam bil Kitaabi wa Sunnah(جماعة الإعتصام بالكتاب والسنة) ayna waajib tahay in lugu dilo Xilli iyo Xaram,(كبرت كلمة    تخرج من أفواههم إن يقولون إلاكذبا)    waxayna u cuskatay fatwadaas inay jamacada qabto in laga qayb qaadan karo gelida baarlamaanaadka gaalada markii ay jirto xaalad tabar dari ah,maslaxad muslimiina laxaqiijinayo.

Waxaa xusid mudan in fatwadaas la dhaqan geliyay laguna laayay Culimo waaweyn miisaan culusna ku lahaa saxwadan barakaysan  ee ku faaf tay gayigeena iyo wadamada ay soomaalida u tahriibtay ee gaalada, culimadii ugu dambeysey ee lagu laayay ilaahayna aan uga rajaynaayo inay yihiin shuhado Insha-Allaah  waa Dr Axmed Xaji C/raxmaan iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax , midna isaga oo soomaan kasoo baxay masjid salaadii subaxna jamaaco kula soo tukaday ayaa la dilay, midna isaga oo salad casar u taagan weliba marayay rackadii 3aaf ,  ku dhex tukanayay baytkii Alle ayaa la dilay, Alla nasiib badanaa acmaasha wanaagsan ay ku dul dhinteen, Alla muxuu eebe ka aqbalay baryadoodii ahayd  ilaahayow khaatumo wanaagsan nagu dil,waxay ahaayeen Culimo diinta ku ciroowdey.

إنا لله وإنا إليه راجعون , إن العين تد مع والقلب يحزن وإنا بفراقكما لمحزونون , ولا نقول إلا ما يرضي ربنا

Taariikhdana  waxaa soo maray dilkan waxashnimada ah oo kale waxaana sameeyey kooxdan kuwii ay kasoo farcameen, waxaad ogtihiin in la dilay madaxwaynihii afraad ee muslimiinta Cali binu abii dhaalib(رضي الله عنه) isaga oo u socda salaadii subax kan dilayna waxa uu sheegtey in cali uu udilay ilaahay dartii jannana uu ku raadsanayo dilkiisa,hadaba hadii Cali binu abii dhalib dilkiisa janno lagu raadsaday, mawaxay kula tahay inuu kanabad galayo gacanta nimankaas wadaad soomaaliyeed? Waxaan sh Umal ka maqli jirey isaga oo leh ”wadaad soomaaliyeedow xaal qaado”.

Haddii aan dib ugu soo laabano mowduuceena,  fatwada jamaacada ee ah in la geli karo baarlamaanaadka gaalada marka ay muslimiintu xaalad tabardari ay kujiraan maslaxo raajax ahna ay kujirto  inay banaan tahay , wax sal ah maku leedahay shareecada islaamka? Waxaan leenahay  haa sal bay ku leedahay shareecada islaamka, waxaana inoo cadeynaya inay sal ku leedahay Abu salmaan oo ah ninka fatwoodey inay  jamaacada ridowdey waxaana uu yiri (idan masaalixda yar yarka ah intay qabanayaan aniga shakhsiyan waxaan ku qanacsanahay in loo codeeyo, gaalnimana kama ahan agteyda arintaa iyada ah usuul bay Diinta kuleedahay waxaa loo gelayaa suuratu yuusuf iyo Nabiyullahi Yuusuf

“إجعلني على خزائن الأرض إني حفيظ عليم)

 Hoos ka Dhagayso Qowlkii Koowaad uu Shiikh Xassaan Xuseen ku baneeyey in laga qayb qaadan karo doorshooyinka dalka Kenya iyadoo la dooranayo Tartamayaasha Muslimiinta ah wuxuuna daliishanayaa Qisadii nabi Yuusuf nabadgalyo korkiisa ha haatee.
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/xasaan_doorasho1.mp3]

Halkaan ka eeg qoraaladii uu ka diyaariyey Xassaan Xuseen Akhi Cabdicasiis

Mas,aladan waxaa aad uga niqaashay sheekheyga Allaah ha dhowree fadiilatu Sheekh maxamuud Sheekh Maxamed Shibli (Abu cabdilbaari) weliba wuxuu fariin u diray Abu salmaan inuu soo garbaxo muxaadaradii cinwaankeedu ahaa ( Sh Xassaan Xuseen gari maku gashaa) waxay ahayd gar xumbaarsan labo daran mid dooro.

Hoos ka Daawo Muxaadaradii Sh Shible Xassaan Xuseen gari maku gashaa


Waxaa sidoo kale mas,aladan aad uga niqaashay fadiilatu Sh dr C/raxmaan Sh C/llaahi Cumar (Abul cabaas Al-madani) حفظه الله ورعاه  waxaana uu ka alifay Risaalo aad uqiimo badan oo lagu magacaabo (الإبانة عما في كلام صاحب الإعانة) wuxuuna uga soo haray meel aad ufog wuxuuna hor dhigay labo khiyaar kiisa ugu macaan qadhaadh yahay. Halkaan ka akhriso Risaalada Sh dr Cabdiraxmaan Sh Cabdullaahi

Waxaa kaloo mas,aladan aad uga hadlay fadiilatu sheekh c/raxmaan Abyad  Alle ha xifdiyee Halkaan ka eeg qoraal Sh Cabdiraxmaan Abyad

Mas,aladan lagu gaalaysiiyay jamaacada  iyada uguma horeyn wax ka hadlay ama baneeyey , ee waxaa qaba sida ay jamaacadu qabto Culimada Sunnada ee casrigan  90% hadii aan kasoo qaado tirada ugu yar , waxaa qaba majaamicda fiqiga ee casrigan iyo raabidhada muslimiinta.

Culimada  fatwootey ama baneysey in lageli karo baarlamaanta gaalada xiliga ay muslimiinta kujiraan dabar darida waxaa kamid (الشيخ العلامة محمد بن صالح بن عثيمين  رحمه الله),sheekha waxaa lawaydiiyay  maka qayb qaadan karaan muslimiinta kunool  USA  doorashooyinka ka dhacaya dalkaas , mase u codayn karaan nin murashax ah oo xoojinaya  maslaxada muslimiinta,waxa uu ku jawaabay haa isaga oo aan ka leex leexan jawaabta:-

سألت شيخنا رحمه الله :عن المسلمين في أمريكا ، هل يشاركون في الانتخابات التي تجري في الولايات لصالح مرشح يؤيد مصالح المسلمين ؟

فأجاب بالموافقة ، دون تردد .

` مسألة ( 594 ) ( 27/11/1417هـ )ص\139   ثمرات التدوين من مسائل بن عثيمين  لد كتور أحمد بن عبد الرحمن القاضي

Waxaa kaloo sheekha lawaydiiyay in laga qayb qaadan karo doorashooyinka ka dhacaya dalka Kuwait, waxa uu ku jawaabay sidan :-

أنا أرى أن الانتخابات واجبة, يجب أن نعين من نرى أن فيه خيراً, لأنه إذا تقاعس أهل الخير من يحل محلهم؟ أهل الشر, أو الناس السلبيون الذين ليس عندهم لا خير ولا شر, أتباع كل ناعق, فلابد أن نختار من نراه صالحاً فإذا قال قائل: اخترنا واحداً لكن أغلب المجلس على خلاف ذلك, نقول: لا بأس, هذا الواحد إذا جعل الله فيه بركة وألقى كلمة الحق في هذا المجلس سيكون لها تأثير ولابد.

لقاء الباب المفتوح\ رقم اللقاء\211\ص\13

(Waxaan qabaa inay waajib tahay doorashooyinka ,waxaa waajib inagu ah inaan doorano qof aan khayr ku malaynayno,maxaa yeeley hadii ay ka fariistaan howshaas dadkii khyrka lahaa yaa booskooda gelaya? Waxaa gelaya dad shar badan, ama dad aan lahayn khyr iyo shar midna,oo iska raacaya mid kastoo qayliya, waxaa laga maarmaan ah inaan doorano qof wanaagsan , hadii la dhaho: mid baan dooranay laakin waa laga badan yahay, waxaan leenahay dhib malahan midkan aan dooranay hadii Allee dhexdiisa yeelo barako kelimada xaqana ka sheego golaha waxay yeelan doontaa raad waana wax dhacaya.)

Culimada baneysey in lageli karo golaha baarlamaanka waxaa ka mid ah (الشيخ العلامة عبد العزيزبن عبد الله بن باز   رحمه الله)waxaa lawaydiiyay in la isu sharixi karo gelida golaha baarlamaanka  wuxuuna ku jawaabay sida tan:

إن النبي صلى الله عليه وسلم قال: إنما الأعمال بالنيات ” لذا فلا حرج في الإلتحاق بمجلس الشعب ,إذا كان المقصود من ذالك تأييد الحق , وعدم الموافقة على الباطل,لما في ذالك من نصر الحق والإنضمام الى الدعاة إلى الله ……الخ) مجلة لواء الإسلام عدد3, عام1404 ه-1989 م نقلا عن أسئلة موجهة إلى الشيخ حسان حسين أدم\ص\7

(Nabi Muxamad Scw waxa uu yiri: Acmaashu waxay ku xidhan tahay niyada ” sidaa darted dembi ma ahan in la haleelo Golaha shacabka hadii ujeedku yahay xaqqa in la xoojiyo  baadhilna aan lagu waafaqin ,arinkaas waxaa kujira xaqqa in loo gargaaro laguna biiro Ducaada…..)

Waxaa baneeyey in la geli karo baarlamaanaadka gaalada markii ay muslimiinta dacfi kujiraan maslaxo muslimiina la xaqiijinayo (المجمع الفقهي) waa gole kulminaya inta badan Fuqahada Muslimiinta ee casrigan, waxayna kamid ahayd masaaisha golaha majcama fiqiga niqaashkeedu la dheeraadey , baarideeduna ay socotay mudo dhan 3 sano(-waxaan layaabaa sida xassaan xuseen ugu degdegay mas,alo uusaan aqoon dheer ulahayn ubaahnayd inay u kulmaan Culimada waawayn ee muslimiinta inuu hal habeen ku dhaho ictisaam waa murtadiin maadaama ay qabaan in lageli baarlamaanaadka gaalada hadii maslaxo muslimiin la xaqiijinaayo-)waatan jawaabta ay ka bixiyeen iyadoo kooban :

 

 1. مشاركة المسلم في الانتخابات مع غير المسلمين في البلاد غير الإسلامية من مسائل السياسة الشرعية التي يتقرر الحكم فيها في ضوء الموازنة بين المصالح والمفاسد، والفتوى فيها تختلف باختلاف الأزمنة والأمكنة والأحوال.

2. يجوز للمسلم الذي يتمتع بحقوق المواطنة في بلد غير مسلم المشاركة في الانتخابات النيابية ونحوها لغلبة ما تعود به مشاركته من المصالح الراجحة مثل تقديم الصورة الصحيحة عن الإسلام، والدفاع عن قضايا المسلمين في بلده، وتحصيل مكتسبات الأقليات الدينية والدنيوية، وتعزيز دورهم في مواقع التأثير، والتعاون مع أهل الاعتدال والإنصاف لتحقيق التعاون القائم على الحق والعدل، وذلك وفق الضوابط الآتية:

أولاً: أن يقصد المشارك من المسلمين بمشاركته الإسهام في تحصيل مصالح المسلمين، ودرء المفاسد والأضرار عنهم
ثانياً: أن يغلب على ظن المشاركين من المسلمين أن مشاركتهم تفضي إلى آثار إيجابية، تعود بالفائدة على المسلمين في هذه البلاد؛ من تعزيز مركزهم، وإيصال مطالبهم إلى أصحاب القرار، ومديري دفة الحكم، والحفاظ على مصالحهم الدينية والدنيوية.
ثالثاً: ألا يترتب على مشاركة المسلم في هذه الانتخابات ما يؤدي إلى تفريطه في دينه

والله ولي التوفيق وصلى الله وسلم على نبينا محمد وآله وصحبه

Waxaa kaloo ka hadlay (رابطة علماء المسلمين)  fadhiga ay kaga hadleen mas,aladan waxaa kasoo qayb galay wax kabadan 150 caalim salafi ah oo kamid culimada sunnada kuwooda ugu waawayn , wuxuuna fadhigaas dhacay taariikhdu markay ahayd 2-3 bisha Rajab 1433 oo ku beegan 23-24 may 2012 wuxuuna ka dhacay wadanka Qadar caasimadiisa Dooxa , cinwaankeeduna waxa u ahaa (النوازل في السياسة الشرعية waxayna kasoo saareen inay banaan tahay in laga qayb qaadan karo baarlamaanaadka gaalada hadii masalaxo muslimiin laxaqiijinaayo.

Waxaa kaloo ka hadlay mas,aladan fatwoodeyna اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والدعوة والإرشاد

Waxaad ka eegtaa kitaabka فتاوى اللجنة الدائمة   mujaladka 12 boga 385 nambarka fatwada 6290

Waxaa ka mid ah fatwooyinka ay lajnadan bixisay midan soo socota:

س: هل يجوز إقامة أحزاب إسلامية في دولة علمانية وتكون الأحزاب رسمية ضمن القانون، ولكن غايتها غير ذلك، وعملها الدعوي سري؟

ج: يشرع للمسلمين المبتلين بالإقامة في دولة كافرة أن يتجمعوا ويترابطوا ويتعاونوا فيما بينهم سواء كان ذلك باسم أحزاب إسلامية أو جمعيات إسلامية؛ لما في ذلك من التعاون على البر والتقوى.) فتاوى اللجنة \المجلد23\ص\407 رقم الفتوى\5651

Waxaa kaloo kamid ah Culimada ka hadashay mas,aladan kuwan soo socda

 -الإمام العلامة الفقيه أحمد محمد شاكر رحمه الله        حكم الجاهلية \ص\126

Waa kitaab lagu ururiyay mowduucaad faro badan,kutubo iyo maqaalooyiin waxaana daabacdey oo nashrisay maktabatu sunnah, waxayna ku magacowdey حكم الجاهلية waxayna kujirtaa mas,alada muxaadaro sheekha jeediyay oo uu ku magacaabay الكتاب والسنة يجب أن يكونا مصدر القوانين في مصر

Waxaa mas,aladan ka hadlay

الشيخ الدكتور عمر سليمان الأشقر  في كتابه حكم المشاركة في الوزارة والمجالس النيابية 108-149

Waxaa kaloo ka hadlay

الشيخ العالم محمد أبو زهرة  رحمه الله  في مجلة الإخوان المسلمون ,العدد2 ذو الحجة 1363ه

Waxaa kaloo ka hadlay

الشيخ الدكتور عبد الكريم الزيدان    بحوث فقهية معاصرة \ص\95

Waxaa kaloo ka mid ah

الشيخ وهبة الزحيلي  في كتابه فقه الأقليات المسلمة \ص\612

Waxaa kaloo ka mid ah

الشيخ الدكتور سلمان بن فهد العودة

Iyo Culimo kaloo aad u fara badan oo aynaan halkan ku soo koobi karin.

Halkaas waxaa inoogu cadaatay in jamaacatul ictisaam aan ugu horeynin wax ka hadlay mas,alada, bal iyadu kasoo qaataya fatwadaas Culimada sunnada ee waawayn , waxay kaloo mas,aladani kamid tahay masaaisha ijtihaadku ku banaan yahay oo aan la isku inkiri karin iskaba daayee in la isku gaalaysiiyo.

Xitaa nimanka xad gudbay qaarkood ee Abu salmaan kasoo qaatay fikradan lagu gaalaysiinaayo Musliminta  baa waxay qabaan inaan lagu gaalaysiin dadka iyaga ku khilaafa aragtidooda ay ka qabaan gelida baarlamaanaadka . Waxaa kamid ah ragaas ninka lagu magacaabo(أبو قتادة الفلسطيني), mudo hada laga joogo 5 sano isaga oo kujira xabsi ku yaala dalka ingiriiska ayaa waxaa la waydiiyay  xukunka ay leedahay in lagalo baarlamaanaadka.

Kadib markuu soo cadeeyey mowqifkiisa iyo inuu u arko gaalnimo ayaa wuxuu kusoo gebo gebeeyey sida tan:

ومع وضوح هذه المسألة وهو أن الإنتخابات البرلمانية عمل كفري يضاد الله في حقه في التشريع والحكم  إلا أننا لا نكفر مخالفينا في هذه المسألة لأننا نعذر المتأولين الجاهلين، فهم عندنا جهلة، ولا يعرفون الحق .

(Iyada oo mas,aladani cadahay oo ah doorashooyiinka baarlamaanka inuu yahay camal gaalnimo looga hor imaanayo xaqqa Alle uu uleeyahay jideynta iyo xukunka, hadana magaaleysiineyno dadka nagu khilaafay mas,aladan,waxaan ugu cudur daareynaa inay yihiin MUTA,AWILIIN oo juhalo ah,agtanada waxay ka yihiin juhalo, xaqiina mayaqaanaan).

Waxa uu wareysigan kujiraa webka ay isticmaalaan nimankaas oo la dhaho (منبر التوحيد والجهاد)

Gebo Gebo

Waxaan soo ogaanay in mas,aladan sal ku leedahay Shareecada Islaamka, waxaan kaloo soo ogaanay inay tahay mas,alo ijtihaadku ka furan yahay, waxaan kaloo soo ogaanay in jamaacatul ictisaam looga horeeyey oo ay qaadatay keliya Fatwada Culimada Sunada ee casrigan, hadaba maxaa kalifay in tayaarkan cusub gaalnimada ku koobo keliya Jamaacatul ictisaam maadaama mas,aladan qabaan Muslimiinta intooda badan.?

Sow daliil uma ahan waxa lagu dhisay mas,alada inay tahay cadaawad aan geedna loogu soo gaban. ? Maadaama uu horey u fatwoodey Abu salmaan inay banaan tahay gelida baarlamaanka Kenya  loona codeyn karo kan raba inuu galo ee muslimka ah weliba ku yiri dadkii horfadhiyay ee uu la hadlayay waad ku qasban tihiin inaad doorataan ama isaga guura Kenya, sow cadaalada kuma jirto inuu isaga is gaalaysiiyo inta uusaan jamaacatul ictisaam gaalaysiin? Maadaama waxa uu ku gaalaysiiyay jamaacada iyo wax ka daranba uu fatwoodey.

أخوكم في الله  حذيفة راجي علي

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online