Wafdi ka socda gobalka Gedo oo lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo

March 18, 2013 - Written by

wafdiKismaayo:-Waxaa goordhow ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee magalaada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wafdi ka yimid gobolka Gedo,kaas oo ka qeyb gali doona shir maamul gobaleed loogu sameynayo gobalada Jubooyinka .

Wafdigan ayaa waxaa ay ka yimid gobolka Gedo, waxaana ay ka kooban yihiin waxgarad , Nabadoono , Siyaasiyiin iyo Saraakiil kuwaas oo qeyb ka noqon doona shir ka socda magaalada Kismaayo

Wafdigan ka yimid Gedo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo  masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo gaar ahaan gudoomiye ku xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer).

Wafdiga ayaa markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa warbaahinta la hadlay UGaas Cabdi Yare oo ka mid Ugaasyada ka yimid gobalka Gedo wuxuuna sheegay in ay u yimaadeen Kismaayo sidii  ay uga qeybqaadan lahaayeen dhismaha maamulka Jubbaland State ee haatan shirkiisu uu socdo magaalada Kismaayo.

Imaatinka wafdiga ka yimid gobalka Gedo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa diidmo cad oo ay madaxada DFS ay diideen shirka ka socda magaalada Kismaayo kaas oo lagu sameynayo Maamulgobaleed la mid ah kuwa dalka ka jira.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online