Warar kale duwan oo ka soo baxay shirka u socda Ra’iisul wasaaare Saacid iyo Maamulka Kismaayo

March 27, 2013 - Written by

wafdi_saacidKismaayo-Wararka hordhac ah oo naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in uu jiro khilaaf ku saabsan qaabka loo samaynayo dhinac maamulka magaalada iyo maamul Gobolleedkaba  arrinkaas oo ay aragtiyo kale duwan ka qabaan dhinac madaxda Dowllada Federaalka ee uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Saacid iyo Guddoomiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Ra’iisul wasaarha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa isagu waxaa la sheegayaa in uu qabo in maamul ku meel gaar ah oo 6 bilood ah ay dowllada u soo magacowdo  Gobollada Jubooyinka , iyo Gedo  halka  Madaxda maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo iyo odayaasha dhaqanka  ee ku sugan Kismaayo ay qabaan in maamul Gobolleed la sameeyo dowlladuna ay kaalinteeda ku aadan ay qaadato.

Ilaa hadda waxaa socda kulamo fool ka fool ah oo ay wada yeelanayaa  Ra’iisul wasaaraha DFS Saacid  iyo Madaxda maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo iyo xubno ka tirsan Saraakiisha ciidanka Kenya iyo kuwa Raaskaambooni, Ra’iisul wasaaraha DFS Saacid ayaa la sheegayaa in uu doonayo in guddoomiyaha koowaad ee ku meel gaarka ah uu u magacaabo Axmed Madoobe arrinkaas oo uusan doonayn Axmed Madoobe oo ku adkeysanayo in maamul Gobolleed la yiraahdo Juballand  la sameeyo dowllada Federaalkana ay ku dhaqanto Dastuurka  dalka ee iyaga lagu doortay

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online