Wararkii ugu danbeeyey qarax Bam ah oo ka dhacay banaanka Masjidka Al-Rowda

March 7, 2013 - Written by

masjidBoosaaso:-Wararaka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa xili lagu gudo jiro Nadwo ka socotay Masjidka Al-Rowda   ayaa waxaa Bam gacmeed meel fog laga soo tuuray lala beegsaday Masjidka  dhinaciisa Bari iyadoo hadafka uu ahaa in daaqada 1aad ee Masjidka laga soo geliyo Bamka  si culimada Nadwada bixinaysay loo bartilmaamsado.

Qarax ayaan laga gaarin u jeedadii laga lahaa  iyadoo oo ay ugu wacan tahay in Bamka lag soo tuuray meel fog , waqtiga qarax lagu soo tuuray Masjidka ayaa waxaa ay culimadu ay dadweynaha u sheegayeen in kooxda Al-shabaab ay yihiin kuwa dadka muslinka ah ku laaya Masaajida dad badan oo muslin ahna ay dileen xili ay ku socdeen masjidka ama ka soo baxeen.

Qarax markii uu dhacay ayaa waxaa ay dadkii dhagaysanayey Nadwada culimada ay bixinayeen ay u arkeen  wixii culimadu ay sheegayeen si cad waxaan dad badan ay yaqiinsadeen in wax culimadu ay sheegayeen ay tahay wax xaqiiq ah. Waqtiga qaraxu uu ka dhacay banaanka shishe ee masjidka Al-Rowda ayaa waxaa muxaadaradii labaad  jeedinayey Sh Axmed Daahir halka muxaadarad koowaad uu ka baxay Sh Xassan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan).

Qarax Bam gacmeedka ah ayaa waxaa uu khasaaro gaarsiiyey gaari yaalay meesha la dhigto gawaarida oo uu lahaa qof rayid ah oo ka mid ahaa dadkii dhagaysanayey Nadwada culimada.

Muxaadarada caawa ayaa waxaa culimadu ay kaga hadleen siddii loo xalin lahaa xadgudubka diineed oo gaaray in masaajida dadka lagu dhex dilo  balse darsiga caawa ayaa isagoo xaqiiqo ah ay dadweynaha reer Boosaaso ay arkeen iyadoo qof walba uu arkay howsha loo igmada kooxda al-shabaab iyo kuwa la fikriga ah iyo cida ficilkoodu yahay Ashahaado la dirir .

M_M_Deeq
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Rabi ayaan waydiisanaynaa inuu Xaqa natuso naguna sugu aamin. Dadkaan isoo la’bistay du’nuubta aad ilaahay xagiisa uga wayn, ilaah hanaga qabto. aamin. waxa culumo iyo caamo laboduba arkeen wax yar ma’ah awal culumada ayaa la’yaabanayd waxaan shaydaanku jaah wareershay. Hadana waxaa la’yaaban dadkii caadiga ahaa.
    Dadkaan waxay diin rabaan inay dadka uga dhigaan ama diliil dadka uga dhigaan, waxaan sal iyo raadmidna la’hayn oo ah culamada ayaa jihaadka nafartay ama na’farijirtay, balse waxayna ogayn ama kala saari waa yeen,jihaad iyo falshaydaan. jihaad ma’noqdo wax qoftukanayaa oo islaam ah hadana caalim ah, aabihii umadaan ah. da’ah lagudilay masjid dhexdii asaga oo rakuucsan.
    ugu danbayn waxaan leeyahay ilaah soo hanuuni, hadii looqoray, hadii kale noo ga, nagoola filow (naga qobo) aamin

  2. As.calaykum walaal waxaan rabaa inaan kaasaxo sababta ay Bambadu waxyeelo ugaysan wayday maaha in meel fog lagasoo tuuray ee xagga rabbi ayaan laga qadarin Allah baa ilaaliyay culimada iyo dadka kalee khayrka
    uyimid masajidka.

  3. alle idiin cadaab cidii ka danbeysey,dadkaan diinta ladgaalami,culumda leynaaya,ilaah idiin cadaab

  4. Asalaamu Caleykum
    Ashahaado la dirir aan aheyn Al Shabaab miyaa jirta?
    Maanta qof oran kara Al Shabaab waa muslimiin miyaa jira?
    Ay’yada naarta sow iyaga maaha?كلاب اهل النار
    Kuwii leynoo sheegey in cidey dilaana ay ehlu jano yihiin, iyaga cidii dishana in ay ehlu Jano yihiin sow maahan?
    Nimankaan way cadahey cidey yihiin ee haleyska qabto.
    Wasalaamu Caleykum

  5. Al shabaab waxay la mid yihiin kuwii anbiyada iyo rususha Rabbi layn jiray oo uu Allaah ku ceebeeyey ficilkooda xun. Allaah swt wuxuu yiri cadaab ugu bishaaree kuwa laynaya dadka ummadda faraya samaha, macruufka.

Leave a comment

*