Yaa diidan in Masaajidda Ilaahay la Camiro ? W/Q C/raxmaan Aw Ciise Muuse
March 7, 2013 - Written by
Wuxuu ilaahay SWT uu adduunka ku leeyahay guryo ay addoomadiisu ku caabudaan oo isaga uun ku xusaan iyadoo aan ujeeddo kale loo dhisin loona soo gelin, xitaa waxaa la diiday in baadida laga yaboohiyo, iyadoo qofkii baadi ka yaboohiyana lagu habaarayo in uusan alle siin, sababtuna waxaa weeye in masjidka loo dhisay oo keliya xusitaanka ilaahay Waxaa u marqaanti ah qowlkii alle في بيوت أذن الله أن ترفع ويذكر فيها اسمه يسبح له فيها بالغدو والآصال
Halkii ay saas ahayd waxay kooxda alshabaab u bedeleen masaajiddii noocaas ahayd kuwo kharaab ah oo dadkii ka carareen kadib markii ay dadkii ku dileen agagaarka Masjidka, irridda hore ee Masjidka, Albaabka Masjidka, gudaha Masjidka iyo salaadda dhexdeeda, maalinba heer, taasoo ay uga danleeyihiin in masaajiddu faaruq noqoto, halkii ay horay masaajidu u hayd kuwo camiran, ayna camirijireen kuwa alle iyo maalinka aakhiro rumeeyey sida ku cad aayadan qur,aanka karimka ah. كما قال تعالى: إِنَّمَا يَعْمُرُ مَسَاجِدَ اللَّهِ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ
Waxay kooxda alshabaab ku sifoobeen kuwii uu alle qur,aanka kaga waramay oo uu yiri ( ومن أظلم ممن منع مساجد الله أن يذكر فيها اسمه وسعى في خرابها أولئك ما كان لهم أن يدخلوها إلا خائفين لهم في الدنيا خزي ولهم في الآخرة عذاب عظيم ( 114 ) ) Yaa ka dulmi badan ruux diiday in ilaahay lagu xuso masaajiddiisa, oo ka shaqeeyey sidii ay masaajiddu kharaab u noqon lahayd, kuwaas abaal marintoodu waxaa weeye in ay adduunka ku leeyihiin dulli, aakhirona cadaab weyn. Waxaa halkaas ka cad in aysan ka mid ahaydn kuwa rumeeyey alle iyo maalinka aakhiro ee iyagu masaajidda camira sida ku cad aayaddan qur,aanka ah ee hoos ku qoran.
كما قال تعالى: إِنَّمَا يَعْمُرُ مَسَاجِدَ اللَّهِ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ
Haddaba waa yaabe kuweebaa xun iyaga iyo gaalada umadda soomaaliyeed u qaxday oo iyagu u ogol inay masaajiddo dhistaan,camiraan maraakiz dacwo yeeshaan, diintooda kuwataan ubadkooda ku badbaadsadaan? akhristoow adaan kaaga tegey jawaabta.Waxaa yaab iyo fajaciso ah in kooxda al shabaab ay bartilmaameed ka dhigtay Masaajidda iyagoo muddo dhawr sano ah dadka ku dilayeyey xatabaadka Masaajidda, dhowaanna ku dilay Sh, C/qaadir Nuur Faarax Masjid gudihiis isagoo weliba salad ku jira. Sidoo kale waxay caawa oo tariikhdu ay tahay 7/03/2013 Bam ku tureen bannaanka hore ee Masjidka weyn ee Al-rowda,iyadoo weliba ay halkaasi ka socotay nadwo diini ah oo ay dhegaysanayeen dadweyne aad u tiro badan, iyadoo ujeedku ahaa in ay dadku kala cararaan.
Waxaase aad ii cajabiyey sida aysan dadku ugu dhega nuglaan falkooda fulaynimada ah, dadkuna u dhamaysteen dhegaysiga nadwadii socotay iyo salaaddi cisheba iyagoo weliba degan oo aan wax cabsiya muujin.
Waxaa diyaariyey C/raxmaan Aw Ciise
Muuse,Halgan.net

.gif)

