Iskoolada luqadaha sidee u hormarinaa? Sh Axmed C/samad

April 10, 2013 - Written by Editor

shaxmedQormadaan waxay ahayd jawaab aan u qoray Ustaad Siciid Cabdullaahi Yuusuf oo magaalada Garoowe ku haysta PRIVATE SCHOOL lagu barto luqada Ingiriiska oo ii soo qoray warqad isugu jirta warbixin iyo talo soo jeedin ku saabsan sidii loo badbaadin lahaa, loona horumarin lahaa da’yarta Soomaaliyeed oo qaar badan aysan Qur’aanka iyo wax diin ah baran, waalidkoodna ay horay ka geeyaan iskoolada lagu barto Ingiriiska iyo kumbuyuutarka.

Waxaa jira rag badan oo Siciid ay isku shaqo yihiin oo magaalooyin iyo wadamo kala duwan jooga, Siciidna la wadaaga dareenka islaamnimo iyo hammiga badbaadinta iyo waxtarka ummadda, waxaana jeclaystay inay wada gaarto taladii aan Siciid u qoray.

Inta aanan soo bandhigin jawaabtii aan Siciid u qoray aan akhristayaasha sharafta leh xusuusiyo in luqadu tahay weelka lagu kaydiyo, laguna soo bandhigo diinta, taariikhda, hab fakarka, hab nololeedka iyo hab dhaqanka ummadeed. Marka qofku uu luqad baranayana maaha inuu baranayo erey erey lagu turjumay ee wuxuu qaadanayaa wax kasta oo khuseeya ama la xiriira ummadda uu luqadeeda baranayo. Tusaale gaaban marka aad luqada carabiga baranaysid hadalada ugu horreeya waa: Al-salaamu calaykum, Masjid, Muxammad iwm laakiin marka aad Ingiriis baranaysid waxaa kuugu soo hormaraya: kaniisad, John, qoob ka ciyaar iwm.

Haddaba si loo helo faa’iidada barashada luqadaha, loogana badbaado xumaha ay xambaarsanyihiin muslimiintu waxay samaystaan buugaag luqada laga barto oo xambaarsan caqiidadii, fakarkii iyo dhaqankii muslimiinta, isla markaasna laga hufay xumaantii buugaagta gaaladu diyaarsatay ama inaga inoo diyaarisay.

Waxaa kale oo la sameeyaa macalimiin muslimiin ah, diintana aqoon u leh; si ay ardayda luqada la barayo ugu gudbiyaan aqoontooda diimeed; sidaa darted waa in iskoolada luqaduhu ku dadaalaan helista boogaag munaasib ah iyo macalimiin diinta aqoon u leh, kuwa aan aqoona ay bartaan.

Jawaabtii Ustaad Siciid sidaan ayay u qornayd:

Salaamun calaykum

Ustaad saciid aad iyo aad ayaan kaaga mahadcelinayaa xiriirka, ducada, talooyinka qiimaha leh iyo dareenka islaamnimo ee aad u danqanaysid ummadda iyo diinteeda. Xalka mushkiladaan meelo kala duwan ayaa laga gali karaa, mid waa kan aad soo jeedisay oo ah wacyigalinta guud iyo tan waalidiinta, intii tabar ahna waa lagu dadaalayaa. Waxaa isna xal fiican oo sahlan ah in aynu dugsiyada luqadaha lagu barto laftooda u isticmaalno dacwo iyo wacyigalin.

Waxaad dadaal galinaysaan hanuuninta, wacyigalinta iyo isku xirka macalimiinta wax ka dhiga iskoolada luqadaha, ka dibna waxaad u samaynaysaan barnaamij midaysan oo aad dhalinyarada private-yada wax ka barata ku hanuuninaysaan, kuna wacyigalinysaan.

Barnaamijkaas waxaa ka mid ah:

1- in nidaam loo sameeyo salaadaha,
2- in la dajiyo nidaam anshaxa ku saabsan, sida labiska, xiriirka wiilasha iyo gabdhaha,
3- in macalinku tawjiih ku daro darsiga ingiriiska ama computerka ah,
4-in usbuucii ama labadii usbuucba muxaadaro guud loo qabto,
5- in lagu guubaabiyo ardayda inay duruusta masaajida soo dhagaystaan, macalimiintuna ay kala qaybgalaan intii suurtagal ah,
6- in loo sameeyo tartano diini ah oo iskoolkii ama ardaygii ku guulaysta abaalmarin lagu siiyo,
7- in ardayda private-yada laftooda la isku xiro, loona sameeyo nashaadyo wanaagsan,
8- in casharada luqada ingiriiska lagu daro kuwo diinta islaamka ka hadlaya si ay ugu noqoto cashar diimeed iyo cashar luqadeed oo wada socda, waliba waxaa fiican inay dadka usoo jeediyaan ama ay qoraalo diini ah soo diyaariyaan oo ay galiyaan website-yada; si ay ugu noqoto dhiirrigalin.

9- in la siiyo duruus ku saabsan sida loo islaamiyo gaalada,
10- in marka horeba loo sheego qasadka luqada ay u baranayaan inuu noqdo waxtarka diinta iyo ummadda.
11- in si gaar ah loo maamuuso, loona dhiirrigaliyo ardayda Qur’aanka xafidsan ama diinta aqoonta u leh ee private-yada wax ka barta; si ardayda kale ugu daydaan. Waxyaabaha lagu dhiirrigalin karo waxaa ka mid ah in lacagta sanadkii hal bil laga dhaafo iwm.

Ugu dambayn Ustaad Saciid wax walba nin ayaa bilaaba, dadkana ka dhaadhiciya ilaa ay dad badan ku raacaan, lana hirgaliyaan. Haddaba noqo ninkii hawshaas hormuudka ka noqon lahaa adiga oo la kaashanaya culumada iyo ehlu-khayrka kale, markaad Garoowe ku guulaysataana tijaabadaas magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed u gudbiya, mashruucaasna u niyayso kii aad ummadda wax ku tari lahayd, jannadana ku heli lahayd.

W/Q Sh Axmed C/samad
Halgan.net, Boosaaso

1 Comment so far

Leave a comment

  1. masha allah!!! waa su’aal wanaagsan iyo jawaab waa fi ah.

Leave a comment

*