Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo cambaareeyay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Boston

April 16, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Boston ee cariga dalka Mareykanka qaraxyadaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 140 qof oo kale .

Qaraxyada xalay ka dhacay magaalada magaalada Boston ayaa waxaa ay ka dhaceen goob uu ka socday tartanka orodka maarathoonka halkaas oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u tiro badan .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay wuxuuna qaraxyada xalay ka dhacay Boston ku tilmaamay mid fuleynimo ah oo argagaxiso ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ah laga guuleysan doono waa sida ay hadalka u dhigaye.

Wararkii ugu danbeeyey ee qaraxyada ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ilaa 18 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay xalay qaraxyada ay aad u il daran yihiin.

Ciidamada amaanka ee dalka Mareykanka ayaa ilaa haatan wada baaritaano mana jiraan ilaa haatan cid rasmi ah oo ay u tiiriyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online