Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay safiirka Nederland iyo Sweden

April 16, 2013 - Written by Editor

0-5Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku soo dhaweeyay wafdi ka socday dalalka Nederland iyo Sweden si uu uga gudoomo warqadaha aqoonsinga ee Safiirnimo.

Waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweynaha R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo  Fowziya Xaaji Yuusuf Aadan. 

Safiiradan ayaa waxey kala ahaayeen  Mudane Mikael Lindvall oo Soomaaliya u qaabilsan dalka Sweden iyo , Mudane Joost Reintjes oo sidoo kale Safiirka Nederland ah.

Madaxweyne Xassan ayaa safiiradda cusub uga warbixiyay xaaladda amni, dhaqaale, cadaaladda iyo dib-u-habeynta ku socota  dowladda qeybaheeda kala duwan. Waxaa kale uu ka hadlay Lixda Tiir Siyaasadeed ee Dowladda Soomaaliya. Wuxuuna ku booriyay safiiradda cusub in ay ka qeyb qaatan taageridda Siyaasadeed dowladda. 

0-6Mar uu la hadlay ayuu Madaxeynaha wuxuu yiri “ Aad baan ugu faraxsanahay in aan idin ku soo dhaweeyo Soomaaliya.Talaabadan ayaa waxey muujjineysaa horumarka la gaaray iyo sida ay uga go’an tahay beesha Caalamka in ay taageraan dowladda Soomaaliya.” 

Ugu denbeyntii “ Dowladda Soomaaliya waxey idiin tahay saaxib dhab ah. Waxaana ka go’an dowladda in ay sare u qaado xiriirka diblomaasiyeed ay la leedahay  dalalka Nederland iyo Sweden.” 

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho,

media@presidency.gov.so —

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online