Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo xariga ka jarey Radio Puntland.

April 10, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:-Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed  Maxamuud Faroole ayaa galabta xariga ka jaray Idaacad ay yeelan doonto Dowlad Puntland taas oo lagu magacaabo Radio Puntland waxaana ay hawada si rasmi ah u gashay maanta  mawjada  SW2-ga.

Xaflada xariga looga jarey Radio Puntland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka warfaafinta Puntland Eng. Maxamud Caydiid ,wasiirka Cadaalada Cabdi Khaliif Ajaayo  iyo xubno ka socdey dowladda talyaaniga iyo hayada UNOPS.
Dowladda Talyaaniga ayaa Puntland ugu deeqdeyRadio Puntland waxana mashruucan qeyb weyn ka qaatay hayada UNOPS sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Maxamud Caydiid,wasiirka ayaa sidoo kale waxaana uu sheegay in Tv-ga Puntland uu hawada soo gali doono.

no images were found

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa Khudbad kooban ka jeediyey munaasabada lagu furay Radio Puntland waxaana uu sheegay  in uu aad ugu faraxsan yahay in Radio Puntland uu hwada galo wuxuuna sheegay in dhawaan ay hawada soo galin doonaan Tv ay leedahay dowlada Puntland.M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. bismilaah habalyo ayaa nu lee nahay tv ga puntland waxbadan oo faa iido ah a yuu u lee ya hay bulsha reer puntland mar ka kii hana qaa day hanoqdo ayaanu leenahay

Leave a comment

*