Nabadoonnada Gobolka Bari oo Loo Qabtay Aqoon Isweydaari Ku Aadan Xallinta Khilaafaadka [Masawiro]

April 16, 2013 - Written by Editor

_MG_9176Boosaaso:-Aqoon isweydaarsi ku aadan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshedaha Puntland ee Boosaaso, aqoon isweydaarsigan oo qayb ka ah olole wacyi gelin ah oo ay waddo muassasada Al-Minhaaj ayaa waxaa ka qayb gelaya 40 ka mid ah nabadoonada gobolka Bari

Qodobada aqoon isweydaarsigan -oo hal maalin ahaa- lagu gorfeeyey waxaa kamid ah: fadliga iyo muhiimadda ay leedahay dhex-dhexaadintu, kaalinta nabadoonnada iyo shuruudaha laga rabo qofka howshaas isu-xilqaamaya

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshedaha Maxamed Caydiid, wuxuuna sheegay in rugta ganacsigu ay kaalin weyn ka qaadatay xallinta shaqaaqooyin horay puntland uga dhacay, mar walbana ay diyaar u tahay in ay nabadda gacan siiso maadaama nabad la’aan ganacsigu uusan jiri karin

Sheekh C/shaafic Axmed Cali ayaa intaas ka dib jeediyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Muhiimadda Dhex-dhexaadinta”, wuxuuna tilmaamay in Islaamku uu si aad ugu booriyey dadka mus’limiinta ah in ay si dhaqso ah ku xalliyaan khilaafaadka dhexdooda ka dhasha Wuxuuna intaas raaciyey in khilaafku uu yahay wax dabiici ah oo inta badan bini’aadmiga ka dhex dhaca, islamarkaana uu xilliyada qaar wax u dhimo midnimada iyo walaatinimada

Beenta oo aan ognahay in ay xaaraan tahay, waxay diintu banneysey hadii dad is haya lagu kala badbaadinayo, taasna waxan ka fami karnaa qiimaha ay dhex-dhexaadintu leedahay Sheekh C/shaafic ayaa yiri

Sheekh C/laahi Cabdi (Shabeel) oo intaas ka ddib hadalka qaatay ayaa isaguna si kooban u sharraxay shuruudaha dhex-dhexaadinta iyo waxa laga rabo cidda ay tahay in ay xalliso arimaha muranku ka taagan yahay ama uu khilaafku ka jiro

Sheekhu wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in nabadoonnada laga rabo in ay cadaalad sameeyaan, islamarkaana ay aad uga fiirsadaan kiisaska ay gartooda gelayaan, muhiimna ay tahay in nabadoonku uu leeyahay aqoon dhanka sharciga ah.

no images were found

Ugu danbeyntii waxaa hadlay qaar ka mid ah nabadoonadii aqoon isweydaarsiga loo qabtay, waxayna mahad u celiyeen culimada iyagoo tilmaamaty in ay lagama maarmaan tahay in barnaamijyada noocan oo kale ah lasii dardar geliyo

Aqoon isweydaarsigan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo wacyi gelin ah oo ay soo qaban qaabisay muassasada Al-Minhaaj, oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada ayaa aad loogu riyaaqay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir
Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online