Ra’iisal Wasaaraha DFS oo la kulmay madaxweynaha Yugandha Yuweri Museveni.[War-saxaafadeed]

April 10, 2013 - Written by Editor
1Kampala, April 10, 2013—–Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Kaguta Museveni, waxaana kulankani uu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Entebbe. Kulanka ayay uga wadahadleen arrimaha iskaashiga labada wadan, waxayna diirada ku saareen sugida amniga iyo xasilinta dalka, waxaana Ra’iisal Wasaaruhu uga waramay madaxweyne Museveni guulihii ay ka gaareen sugida amniga, xasilinta dalka iyo dawlad wanaaga. “Waxaan dooneynaa inaan ka badbaadino dadka naga argagixisada iyo dhibaatada ay ku heyso oo ay ka midka yihiin, adeegsiga caruurta ee dagaalada, barakicinta, dilka aan sharciga waafaqsaneyn iyo cabsi gelinta shacabka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu isaga oo intaasina ku daray inay jiraan dad weli ku hoos nool gacanta kooxaha nabadiidka ah ee  Shabaab, ayna muhiimada koowaad siinayaan sidii looga xoreyn lahaa degaanada weli ay kaga sugan yihiin dalka.Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in kooxaha argagixisadu aaney caqabad ku aheyn oo kaliya ammaanka dalka Soomaaliya balse ay qatar ku yihiin ammaanka geeska Afrika iyo midka caalamkaba, sidaasi darteedna loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ay yeeshaan dalalka Afrika.

no images were found

“Maadaama nalaka qaaday xayiraadii hubka ee saarneyd dalka, waxaan ku dadaaleynaa inaan ciidamadeena qalabeyno isla markaana tayeyno, welise ma aanaan gaarin heer aanu ka maarano taakulada ciidamada Yugandha oo ah kuwa ugu badan ee qeybta ka ah howlgalka  nabad illaalinta ee AMISOM” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha isaga oo si gaar ah uga mahadceliyay taageerada Yugandha.
 
Dhanka kale, madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Museveni ayaa uga mahadceliyay booqashada Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa, wuxuuna ku celiyay in dawladdiisu ay garab taagan tahay dawladda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ciidankiisu ay diyaar u yihiin inay nabadda sugaan tan iyo inta ay ciidamada xoogga Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegayaan sugida ammaanka iyo xasilinta.
 
“Waa lagama maarmaan in la sugo amniga goobaha muhiimka ah iyo dalka oo dhan si loo illaaliyo xaquuqda dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Museveni oo dhanka kale xusay inuu diyaar u yahay inuu si dhow ugala shaqeeyo dawladda Soomaaliya la dagaalanka argagixisada.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Kampala, Uganda
 
 
 
 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online