Abu Mansuur Al-Amriki oo weli nool laguna baaqay in la badbaadiyo.[Akhri]

May 10, 2013 - Written by Editor

abuMuqdisho:-Fariin ku qoran luuqadda Carabiga oo uu soo diray nin magaciisa ku soo gaabiyey Abuu Yuusuf, lana soo dhigay web site ka Aljahad.com ayaa madaxda ururka Al-Qaacida ugu baaqay inay badbaadiyaan Abuu Mansuur Al-Amriki iyo ragga saaxiibadiis ah.Abuu Yuusuf, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ciidan ka mid ah Al-Shabaab ay isku dayeen inay dilaan Abuu Mansuur Al-Amriki iyo rag kale oo la socda, haddii kalena ay iyagoo nool soo qabtaan, wuxuuna Abuu Yuusuf intaas ku daray in isku daygaas uu u fuli waayey sidii ay xarakadu dooneysay.

Qoraalka Abuu Yuusuf, ayuu ku sheegay in dhibaato xoog badan lagu hayo ragga Mujaahiriinta loo yaqaano, kuwaasoo qaarkood waddanka laga saaray, dowlado kalena u gacan galay, halka qaar kalena ay ka buuxaan xabsiyo ay xarakada Al-Shabaab  ku leedahay gudaha Soomaaliya.

Abuu Yuusuf, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in bayaankii ugu dambeeyey ee xarakadu ka soo soortay Abuu Mansuur Al-Amriki, ay ku caddeysay inuu yahay walaalkood, balse waxay ku eedeysay inuu yahay nin doonaya soo caan bixid, wuxuuse Abuu Yuusuf ku adkeystay in Caannimo doonid uusan ku bannaanaan karin dhiigga qof Muslim ah.

” Sidee qof caqli leh ku rummeysan karaa in kuwii shalay ku walaaloobay aasaas diini ah ay maanta cadow isugu ahaan karaan? taasi waxay ku dhici kartaa oo kaliya in labada dhinac uu midkood ka leexday dariiqii saxda ahaa, ee fiiriya cidda leexatay” ayuu qoraalkiisa ku yiri Abuu Yuusuf.

Abuu Yuusuf, ayaa sheegay inay jiraan rag ka mid ah Al-Shabaab oo caan ah ay ka soo horjeedaan amiirka Al-Shabaab, kuwaasoo uu ka xusay Xasan Daahir,  Rooboow Abuu Mansuur, Abuu Bakar Zeylici (Ibraahim Afgaan), isagoona intaas ku daray in raggaas ay hub iyo ciidanba heli karaan ay kula dagaalaan amiirka, balse ay ka baqayaan inay fitno ka dhex dhacdo Muslimiinta, waa sida uu warka u qoray Abuu Yuusufe.

Ugu dambeyntii, wadaadkan ayaa fariintiisa codsi degdeg ah ugu diray hoggaanka Jihaadka ee caalamiga ah, kaasoo uu ula jeedo Al-Qaacida, isagoona xusuusiyey in aakhiro la weydiin doono dadka ay Mas’uulka ka yihiin, wuxuuna ugu baaqay inay si deg deg ah uga soo gaaraan Mujaahidiinta lagu dhibaateynayo gudaha waddanka Soomaaliya, kuwaasoo uu ula jeedo dadka aan Soomaalida aheyn iyo qaar ka mid ah xubnaha xarakada ee ka biyo diidsan sida uu wax u wado amiirka xarakada Al-Shabaab.

Qeylo dhaantaan ayaa imaaneysa xili qaar ka mid ah warbaahinta ay shaaciyeen in la dilay Amriki, balse sida hadda fariintaan ka muuqata weli waa uu nool yahay, iyadoona dhawaan rag caan ah oo Shabaab ka tirsan iyo isaguba ay caddeeyeen inuu halis ugu jiro inay dilaan amniyaadka Al-Shabaab. Halkaan ka akhri qoraalka Abu Yuusuf nedaa-abuyou 

ama Halkaan ka eeg

Halgan.net /Somalireal

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online