Ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey Degmada Wadajir

May 27, 2013 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Amisom ayaa saaka howlgallo culus iyo baaritaanno ka wada qaar ka mid ah Degmooyinka gobalka Banaadir gaar ahaan  degmada Wadajir waxaana  howlgalladaas lagu soo qabtay dadweyne gaaraya ilaa 400  oo qof.

Howlgalladan ay ka wadaan magaalada Muqdisho ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay qeyb ka yihiin howlgalo lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada DFS iyo Kuwa AMISOM ayaa waxay howlgalada ugu culus ka sameeyeen saaka xaafadaha Nasteexo, Jayga iyo siligga Mareykanka, iyagoo guri guri u galay waxayna ka xeysteen ragga da’ kasta oo ay yihiin taas oo ay cabasho ka muujiyeen dadweynaha ku dhaqan xaafadaha ay howlgalada ka socdaan.

Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa horay u sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan howlgalo lagu baarayo guri kasta si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdisho.

A/Cawale

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online