Ciidamo ka wada tirsan DFS oo maanta ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

May 25, 2013 - Written by Editor

isbaaro1Muqdisho:-Ciidan ka wada tirsan Militeriga DFS ayaa maanta ku dagaalamay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ka dib markii ay isku qabsadeen lacag Isbaaro ah oo laga qaado gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya Isgoyska Banaadir.

Dagaalka ka dhex qarxay ciidanka DFS ayaa waxaa uu dhaliyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay laba ruux halka qaar kale ay dhaawacmeen dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira laba qof oo rayid ah.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay ciidan ka tirsan DFS ay isku laayaan lacag laga qaado Isbaaro taas oo caado iyo dhaqan u noqotay ciidanka DFS.

Saraakiisha sare ee ciidanka DFS iyo masuuliinta ugu sareysa DFS ayaa dhowr mar digniin u diray ciidamada ka tirsan DFS oo dhiganaya Isbaarooyinka balse arinkaas ma hirgalin waxaana dhibaato ay ku hayaan ciidanka dhiganaya Isbaarada shacabka rayidka ah ee la daalaadhacaya 22 sano oo dagaal iyo amni  la,aan ah.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online